WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 4, 2016 (DHH)- Guddida bilicda ee heer qaran ayaa maanta soo kormeeray warshadda wadooyinka ee Dawladda hoose iyo wadadda galbeed oo dawladda hoose ee Hargeysa ka waddo shaqo balaadhan.
Guddidan bilicda ee heer qaran waxa ka mid ahaa wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka warshadaha, iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, waxaanay soo kormeereen wadooyinka socda iyo sida qalabku wadooyinka u shaqaynayaan.
Xildhibaan Cabdicasiis Sisto ayaa sheegay in warshaddii ay bilaabantay wax soo saarkeeddii, isla markaana shaqaddii ay hadda bilaabeen oo wadadda galbeedka ka soo galaysa ay ku bilaabeen.
Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa,Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay in gudida bilicda heer qaran kormeer ku tagayaan warshadan, isla markaana ay arkaan sida wadooyinkii u bilaabeen iyo shaqadda balaadhan ee ay hayaan.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa dadweynaha iyo ganacsatadda ugu baaqay inay ka qaybqaataan horumarinta caasimadda, isla markaana aanay dawlada hoose oo kaliya wadooyinkaasi wada samayn Karin marka waa in laga wada qaybqaataan oo waddo kasta oo la marayo inta ka ag dhowi ka shaqaysa.

Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya kormeerkan ay ku yimaadeen warshada waxa uu yidhi“gudidan waa guddidii heer qaran ee bilicda, waxaanay soo kormeerayeen warshadda wadooyinka ee dawlada hoose, marka warshada la samaynayo samaynteedda iyo istaadhkeeduba waa hawl aadu badan, in badan ayaa nala waydiiyey halkay idiin maraysaa warshaddii, waxa halkaasi yaalaa waa Daamurkii, waxa kale oo yaalla Qururixii, maanta waa kormeerkii laakiin warshadad xadhiga laga jari doonaa, waxa halkan mahad balaadhan usoo jeedinayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, marwadiisa, wasiirka maaliyadda, wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha dibada oo ahaa intii ka shaqaysay sidii Itoobiya uga soo iibsan lahaa qalabkan, waxay ahayd hawl madaxda dawladda oo dhani nagala qaybqaadatay,waxaan kale oo u mahad celinayaa shirkadda Metec ee Itoobiya oo sanad ka dib marka hawshu bilaabanto oo ay shaqayso lacagta iska bixinayno intii nagu hadhay, iyadoo qalabka kala badh lacagta na soo amaahisay, waana walaaltinimo in lacagta badh lagu amaahiyo anagoo badhna bixinay badhna la inagu leeyahay, dadku in badan bay wax odhan jireen, horta anagu ma faani naqaanno, oo ma sheegan naqaano wixii aanu qabanay laakiin taariikhda sheegi doonta”
Wasiirka Warshadaha Shuceeb oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyey warshadan cusub oo horumarinta wadooyinka ka shaqayn doonta, waxaanu yidhi “ maanta oo ay aniga igu horeysay waxaan dareemayaa farxad badan, waxa la moodaa inaan meel kale joogo oo dibadda ah, arrintana waa arin weyn oo qaranka faa’iido u leh waana wax lagu faani karo qalabka halkan yaala iyo warshadan balaadhan ee halkan ku arkay, waxaana ku amaanan maayarka Caasimadda iyo intii la gacan qabatay ee la shaqaysay ee hawshan u fududaysay, waxaan leeyahay dadweynaha gudda iyo dibadda horumarka caasimadda ka socda iyo dalka oodhan oo iiga oo indhihiina ku eega waxaan odhan lahaa indhihii Bakooro qabaa cadcadeedda ma arkaan, marka aad halkan timaadid waxaad is odhanaysa malaha caalamkii kale ee lacagta haystay ayaad la joogta warshadani wadankii kuma taallee, waa inaad la shaqaysaan dawladiina iyo madaxtiinna”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Farotoon, ayaa sheegay in warshadani tahay mid wax weyn ka bedelaysa wadooyinka caasimadda, isla markaana wax weyn u ah caasimadda iyo qaranka oo dhan, waxaanu yidhi “ qof kasta oo muddo dheer ka mabnaa dalka sidayda oo kale wuxuu dareemayaa koritaanka caasimada iyo sida u weynaatay iyo wadooyinka faraha badan ee ka socda, aad iyo aad bay Hargeysi isku bedeshay tobankii sanno ee u dambeeyey, inkastoo wadanka wadooyin faro badan laga hirgaliyey hadana gaadiidka faro badan awgeed wadooyinku xidhiidhi bay yihiin,waxaan maanta jooga warshaddii wadooyinka oo Hargeysa ka fulin doona wadooyin badan oo wanaagsan, aad iyo aad waxaan u bogaadinayaa Maayarka iyo maamulkiisa la shaqeeya iyo golaha deegaanka Hargeysa talaabooyinkaasi ay qaadeen, waxaan leeyahay marka ay iyagu ka dhargaan waa inay magaalooyinka kale u gudbiyaan, mashruucana waa mashruuc aad u tayo badan oo isbedel weyn uu degdeg ah u keeni kara”.
Bilowga warshadan wadooyinka ayaa lagu bilaabay jidka laamidda ah ee ka soo galla galbeedka oo gabi ahaanba dib loo xaadhay, isla markaana la dhigayo wadooyin casri ah, iyadoo maalmihii u dambeeyey dawlada hoose ku mashquulsanayd samaynta jidadkaasi aadka u burburay ee laga soo galayo magaaladda Hargeysa dhanka Galbeed oo la soo dhigay Daamurkii.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.