WorldRemitAds

“Qadarku waa halkiisa in ILAAHAY raxmaadka inoo keenana waynu ka baryeynaa oo doorashadu ku beeganto wakhti wanaagsan”Guddoomiyaha doorashooyinka IImaan

Hargeysa, Somaliland, December 2, 2016 (Saxafi)-Guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in qalabkii lagu daabacayey kaadhadhka diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland uu soo gaadhay, isla markaana shaqaalihii ku shaqayn lahaa loo tobabari doono.

Guddida doorashooyinka, masuuliyiin ka socda saddexda xisbi qaran, shaqaalihii loo tobobarayey qalabkan ayaa shalay shirjaraa’id ku qabteen xarunta dhexe ee guddida doorashooyinka, waxay sheegeen inay ku tallo jiraan inay daabacaddan kaadhadhkii doorashooyinka loogu gallayey.

SomlegalAds

Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlaya qalabkan cusub ee guddida doorashooyinka u yimid, waxaanu yidhi “Maanta hortiina waxa yaalla qayb ka mid ah qalabkii lagu daabacayey kaadhadhkii codeynta, kuwaas oo lagu tobabari doonno shaqaalaha hortiina jooga, marka qalabkaasi  soo dhamaystirmo ee shaqaaluhu tobabarka qaataan waxa bilaabaya daabacaddii Kaadhadhka”.

Waxaanu intaas ku daray “Komishanka doorashooyinkuna bari iyo galbeed ayey u kala bixi doonaan, waxaana jaamacadaha laga soo qorayaa ardaydii qaybin lahayd”.

Mar gudoomiyaha wax laga waydiiyey maadaama oo abaari jirto inay doorashaddu wakhtigii loogu tallogalay dhacayso iyo inkale, waxaanu yidhi “Qadarku waa halkiisa in ILAAHAY raxmaadka inoo keenana waynu ka baryeynaa oo doorashadu ku beeganto wakhti wanaagsan, laakiin Komishanka waxa ka go’an oo qaranku ka sugayaa in aanu gacmaha laaban oo aanu nidhaahno abaarbaa dhacday oo waanu fadhiyeynaa ma aha, anagu shaqadii waanu wadnaa si nadiif ahna way u socotaa qadarkuna waa halkiisa”.

guddidda-doorashooyinkaGudoomiyaha guddida doorashooyinku waxa uu sheegay inay qaban doonaan doorasho xor oo xalaal ah, isla markaana diiwaangelinta casriga ah samayn doonto doorasho xor oo xalaal ah, waxaanu yidhi“Waxa na loo igmaday in doorasho xalaal ahi dalka ka dhacdo, doorashada xorta iyo xalaasha ahi waxay ka imanaysa diiwaangelin xor oo xalaal ah inay dalka ka dhacdo, waxaad markhaati nooga tihiin in diiwaangelin wanaagsani inoo dhacday, oo aan la lahayn reer hebel ayaa loo badiyey iyo kuwo kale loo badiyey toona aanay jirin, intii aanu ka ilaalin lahayn inay wax xanaf lihi dhacdo waanu ka ilaalinay, xisbiyada iyo shacabkuba markhaati bay nooga yihiin.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi  ka hadlay saddexda xisbi oo sheegay inay soo dhoweynayaan qalabkan lagu daabacayo kaadhadhka oo markii hore dhinnaa, waxaanay sheegeen inay hawshaasi ku taageerayaan Guddida doorashooyinka.

Guddida doorashooyinka ayaa hore dadka u diiwaangeliyey, haseyeeshee waxa hadhsanaa kaadhadhkii doorashadda lagu galayey oo kharashkiisa iyo soo iibintiisaba laga sugayey beesha caalamka ee taageera doorashooyinka.

Qalabkan wadanka yimid ayaa  ahaa mid si weyn loo wada sugayey, isla markaana waxaa bilaabmi doonna qaybinta kaadhadhkii dadku ku codaynayeen oo aan hore loo hayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.