WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 2, 2016 (Saxafi) – 1-da bisha December oo loo asteenay maalin Caalamiga ah ee la-dagaalanka Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS oo tan iyo sannadkii 1995 maalintan oo kale laga xuso Somaliland iyo Dunidaba ayaa shalay si weyn looga xusay Somaliland.

Xaflad si weyn uu u soo abaabulay Komishanka La-Dagaalanka iyo Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS ee Somaliland (SOLNAC) oo shalay lagu qabtay Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiiru-dawladdaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud, Agaasimaha Komishan la dagaalanka iyo xakaymaynta AIDS-ka Abiib Axmed Cali, Xildhibaan Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddida arrimaha bulshada golaha Wakiilada, masuuliyiin kala duwan oo ka socday Ha’yaddaha Waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, dhallinyaro iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxa xafladan ka hadlay Agaasimaha Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Abiib Axmed Cali oo halkaa uga mahadnaqay dhammaan ka soo qayb galayaashii xuska iyo ururadii gacanta weyn ka geystay qabashada xafladan, waxaanu yidhi: “Xanuunkani waxa uu ku badan yahay Afrika, waxaanu maanta halkan idinka doonaynaa sidii aad ruwaayadda ku daawateen in aad ka barataan waxyaabaha lagu kala qaado kadib aad u gudbisaan bulshada inteeda kale. Waxa loogu talo-galay maalintan si loogu wacyigaliyo dadka ahmiyada ay leedahay caafimaadku iyo in ay bulshadu iska ogaato cudurkaasi mushkilada uu ku leeyahay bulshada”.

SomlegalAds

Agaasimaha Guud ee Komishanka La-dagaalanka iyo Xakamaynta AIDS-ku waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay sababaha keena xanuunka iyo sida looga hortago, isagoo dhinaca kalena carabka ku dhuftay in dalkeena Somaliland uu 30-kii sanadood ee u dambeeyey ahaa wadamada uu ku yar yahay balse hadda la moodo inuu ka mid yahay wadamada lagu tilmaamo, waxaana uu talooyin iyo wacyigalin u soo jeediyay bulshada reer Somaliland.

“Xanuunkan oo la sheegay in uu wadamada Afrika aad ugu badan yahay marka loo eego meelaha kale , waxa aynu halkan doonaynaa in aynu dadka kaga wacyigalino in ay ogaadaan oo ay cilmi u yeeshaan xanuunkani mushkilada uu leeyahay iyo siyaabaha looga hortago dhibtiisa iyo siyaabaha laysaga ilaaliyo intaba” ayuu yidhi Mudane Abiib Axmed Cali.

Kadib markii uu agaasimuhu hadalkiisii dhammeeyey ayaa waxa si rasmi ah u furay xaflada xuska maalinta AIDS-ka adduunka.

Sidoo kale waxa iyaguna xafladaas ka hadlay masuuliyiin kale duwan oo ka socday ururada bulshada iyo Ha’yaddaha caalamiga kuwaasi oo sharaxaad dheer ka bixiyey ujeedada xuska AIDS-ka adduunka taasi oo gabi ahaan dunida laga xusi maalintan.

Intii ay socotay xaflada xuska maalinta AIDS-ka adduunka waxa lagu soo bandhigay ruwaayado ka turjumaya wacyi gelinta xanuunka AIDS-ka iyo fariimo ka hadlaya in aan la takoorin dadka la nool xanuunka.

Ururka Somaliland Y-PEER ayaa waxay ku soo bandhigeen intii ay socotay xafladdu filimka ka hadlaya wacyi gelinta xanuunka AIDS-ka kaasi oo xambaarsanaa macluumaad tiro badan.

Filimka ayaa waxa uu xambaarsan fariimo caafimaad oo la xidhiidha cudurka AIDS-ka kaasi oo loogu talo galay in laga matalo dugsiyada sare. Qisadeeduna waxay ku saabsan tahay arday dugsi sare oo macalinkoodii uu siinayo cashar ku saabsan HIV/AIDS kadib markii ay isaga iyo guddoomiyiha ardayda ee ay Wasaaradda Waxbarashadu ku casuuntay aqoon-is-weydaarsi lagaga hadlayey HIV iyo AIDS  iyo sida uu ku fido.

Markii ay dugsiga ku soo laabteen macalinkii iyo guddoomiyihii ardaydu waxay bilaabeen in wixii ay soo faa’iideysteen ay ardayda uga sii faa’iideeyaan. Waxay ogaadeen in aanay ardaydu aqoon badan u lahayn HIV/AIDS. Waxayna kala kulmeen weedho badan iyo waxyaabo khaldan oo la iska aaminay oo aan run ahayn. Waxay dood adagi ka dhex abuurmaysaa macalinkii iyo ardaydii dhexdoodaba, wakhti badan ayaanay qaadanaysaa in wax kasta la isla fahmo.  Ugu dambaynta ardaydu waxay noqonayaan qaar fahansan HIV/AIDS isla markaana aan takoorin dadka qaba HIV/AIDS.

Xildhibaan Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Baarlamaanka ayaa waxa uu balanqaaday in uu xeerka xakamaynta iyo ka hortaga AIDS-ka horgayn doonaan baarlamaanka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Anigoo ah ku hadlaya afka Guddida Arrimaha bulshada baarlamaanka waxaan idiin balan qaadayaa in aanu hor gayn doono xeerkan Golaha Wakiilada.”

Sidoo kale waxa xafladan ka hadlay Wasiiru-dawladdaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud oo sheegay in ay muhiim tahay in uu qof kastaa isbaadho oo uu ogaado xaaladiisa caafimaad, taasi oo qaranka iyo bulshadaba  muhiim u tahay, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi:

“Anigu waxaan is baadhay 2013-kii, maalintaas wakhtiga aanay tagay baadhitaanku waxay ahayd 11-kii subaxnimo, halkaas oo aan arkay markii aan shaybaadhka ku gudo jiray shan qof oo casaan marsan yahay markaas ayaa waydiiyey qofkii shaqaalaha ahaa ee goobka hayey, markaas  ayuu igu yidhi waxa weeyi shan qof oo laga helay xanuunka. “

Xuskan ayaa waxay ururada la shaqeeya komishanka xakamaynta AIDS-ku xooga ku saarayeen in ay sameeyaan isbaadhitaan oo ay ogaadaan xaaladooda caafimaad iyo sidoo kale waxay xubnaha baarlamaanka Somaliland ugu baaqeen in ay ansixiyaan xeerka xakamaynta iyo ka hortaga xanuunka AIDS-ka, kaasi oo noqonaya xeerkii lagu maamuli lahaa xakamayn lahaa iyo wacyi gelin bulshadaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.