WorldRemitAds

“Waxa saska WADDANI ka keenay waa iska macruuf, waxana ay u arkeen inay kelmad gar ah ku hadashay Samsam”

Hargeysa, Somaliland, December 2, 2016 (Saxafi) – Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Muuse (Bakayle) oo ka tirsan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa si adag wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan uga difaacay eedo aan sal iyo rood toona lahayn oo ay u jeediyeen saraakiil ku abtirsada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Siyaasi Bakayle oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa meesha ka saaray dhaliilaha reer WADDANI dusha ka huwinayaan hadallo ay wasiir Samsam ka jeedisay shir ay kaga qaybgashay magaalada Burco, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ninkii ka tirsanayey inay wax yeesho ayuun baa hadalka Samsam eed u arkayey, aniguse kuma arkaynin, wax turxaan ahina kumuu jirin, taxaaluf baynu ahayn bay tidhi, taxaalufkuna weligiiba wuu jirey oo bulsho kasta oo meel ku nooli way samaysataa, wax ay gabadh toban nin isugu soo qaawiyaan oo ninba wuxuu doono ka sheeko may mudnayn, in la buunbuuniyona may ahayn oo qolo qolo may maagayne wax xaqiiq ah bay ahayd.”

SomlegalAds

Isaga oo sifaynaya waxyaabaha saska iyo buuqa ka keenay xisbiga WADDANI ee uu uga qaylinayo shirkii arrimaha xisbiga KULMIYE lagaga hadlayey ee Burco ka qabsoomay, ayuu xusay in xaqiiqadii golahaas lagaga wada haday uu xisbigu dhibsaday, “Waxa saska WADDANI ka keenay waa iska macruuf, waxay u arkeen inay kelmad gar ah ku hadashay, iyada oo reer Hargeysa ah ayey tidhi waanu idin dooranaye in cod nalookiin weydiiyo ma ahee inaad idinkuna markayaga na doorataan weeye, taasina garbay ahaye midhkaas midhkiisa sheego haddaad hayso,” ayuu yidhi siyaasi Cabdillaahi Bakayle.

Hadalka siyaasi Bakayle, ayaa ka dambeeyey eedo aan kala joogsi lahayn oo ay saraakiil kasoo jeedda xisbiga WADDANI maalmahan u jeedinayeen wasiir Samsam Cabdi Aadan, kadib markii ay qaadan waayeen khudbad ay shir Burco lagu qabtay ka jeedisay oo dhegaha dadkii goobta fadhiyey si weyn usoo jiidatay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.