WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 21, 2016 (Saxafi/BBC Somali) – Gudoomiyaha hay’ada afooyinka dabiiciga ah ee NERAD ee Somaliland ayaa sheegay in ku dhowaad 300, 000 kun oo qoys saamaysey xaaladda abaaraha oo ay xaaladoodu halis ku jirto, islamarkaana ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, waxana sidoo kale gudoomiyaha hay’da NERAD sheegay in 1, 800,000 oo qof ay guud ahaan saamaysey abaartu.

Gudoomiyaha hay’adda aafooyinka dabiiciiga ee NERAD Maxamed Muuse Cawaale oo waraysi siiyey idaacaada la’aanta afka Somaliga ee BBC Somali Service ayaa shalay sheegay in wakhtiga gu’ga hadii aanay roobabku di’in oo uu dhiciisoobo in loo baahan doono mucaawiino noocan oo kale ah.

Maxamed Muuse Cawaale oo saameynta Abaartan ka hadlaya waxa uu yidhi “Waa in wacyigelin la siiyaa oo dadka oo la yidhaa nin wallow waa inaad min shan dollar iyo kun dolar bixisaan oo tabaruca maanta dadkeena dhibaatada haysata in wax lala qabto weeye, meelaha ugu daran waxa weeye horta ka soo bilow Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil iyo wixii degmooyinka bariga ee Gobolka Maroodi jeex ah, intaas ayey u badan tahay, waxanad mooda in ay galbeed u soo socoto. Waxa tiradooda lagu qiyaasayaa ila imika ee xaaladoodu aadka u xuntahay (serious-ka) 300,000 kun oo qoys, waxana ay noqoneyaan hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo qof, islamarkaana waxa kuugu darayaa abaartaas oo la yidhaa El nino, waxa laga yaabaa gu’ga dambe in uu inaga dhicisoobo (ilaahay inooma keeno’e) in aynu hadana u baahano mucaawino noocaan oo kale ah oo loo baahan yahay in laga diyaargaroobo.”

SomlegalAds

Mar la waydiiyey inay Hay’adda Nerad canaan ku yeelan karto abaartan soo noq noqotay oo aanay waxba ka qaban, waxaanu gudoomiyuhu ku jawaabay “Canaan waxa aanu ku leenahay wixii aynu qorno oo dhan hanaloo akhriyo oo ha la eego, wuxuun baanu wadi lahayn. Laakiin, intayada badankiiba waxa ay ku salaysan tahay cilmi-baadhista, waxa kale oo aanu ku leenahay oo aanu imika qornay dhowr buug oo aanu ka soo bilownay dadkeenii reer miyiga ahaa siday abaarta uga bixi jireen, maxay cuni jireen, biyaha sidee bay odhan jireen ayaanu ka soo bilownay.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.