WorldRemitAds

Burco, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeediyey in reer Somaliland ka wadatashadaan sidii la isku waafajin lahaa nolosha mustaqbalka dalkeenna iyo isbeddelka ku yimi cimilada ee sababta u noqday abaaraha soo noqnoqonaya.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka mid ah wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo safar la xidhiidha gurmadka adag oo loogu gurmanayo dadka ku dhibaataysan abaarta ka taagan gobollada bariga Somaliland, ayaa socdaal ay ku tageen deegaannada hoos yimaada Gobolka Daad-madheedh shalay ay ku indho-indheeyeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada ku dhaqan, iyagoo kulamo la qaatay qaybaha dadweynaha, guddiga abaaraha heer Qaran iyo gobol iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo Madaxweynuhu ku wareejiyey taakulo isugu jirta cunto iyo biyo loogu talogalay dadka.

Md. Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey kulan ka dhacay magaalada Oodweyne waxa uu sheegay in abaartu tahay dhibaato loo baahan yahay in Somaliland wax ka barato, maadaama cimiladu isbeddeshay.

SomlegalAds

Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Bani’aadamku dhibaatada soo marta wax buu ka bartaa ee wax inoo taal abaarta maxaynu ka baranaynaa? Waxaynu arkaynaa sidii ay ahaan jirtay cimiladeennii way iska beddeshay, waqti baynu naqaanay Roobku soo hooro oo ah Kaliil iyo Candho-cays ku xigta, waxa iminka tobankii sanno ee dambe jirta in haddii Roobku da’ayana aannu da’in waqtigiisii, markaa dabeecaddii dhulka oo dhan khalkhal baa ku dhacay, dhirtu xilli bay Manka bixisaa oo ah Kaliisha ama bisha April sida Galoolka, Bilcilka, Qudhaca iyo dhirta kale ee dabeecadda deegaanka leh oo dhami, laakiin haddii dhirtu Mankii tuurto ma tartmayso ee way dabar-go’aysaa oo dhulkii bannaan buu noqonayaa, xooluhuna waa la mid oo odaygii waqtiga u eegi jiray Laxda (Idaha) Wanka Sumulka isna waqtigii wuu ka khalkhalay, ugaadha Cawlkaa la odhan jiray Cirka ayuu eegayaa waqtiga daruurtu Roobku ku beegan tahay isna wuu khalkhalay.

Markaa tijaabaa ina hortaal, bani’aadam baynu nahay ee haddii cimiladii isbeddeshay fikir baa la inooga baahan yahay sidee baynu dhulkeenii ugu noolaa ah, caalamku waxan oo kale wuu soo maray oo dhibaatada cashar baa laga bartaa, markaa waxa inala gudboon hadday cimiladii iyo deegaankii aynu ku noolayn isbeddeleen waxaynu u baahannahay in aynu ka fikirno mustaqbalka sidee baynu nolosha u habaynaynaa.”

“Mid kale ayaa innagu soo koradhay oo ah taag-darro dadka ah, aad baynu magaalooyinka ugu soo qulqulnay oo dadkii tabacayey ee xoogga lahaa iyo adkaysiga ay kaga baxayeen Jiilaalada magaalo ayey ku soo bateen, reer magaalkuna wuu jilicsanyahay oo kamo baxo abaaraha. Markaa dadkii oo magaalo ku batay, cimiladii oo isbeddeshay, waxaynu u baahannahay in aynu dib uga fikirno oo is waydiinno sidee baynu arrintan uga baxaynaa oo la sameeyo qorshe, lana sameeyo daraasad dheer.”

Dhinaca kale, waxa uu ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Somaliland inay u kacaan gurmadka taakulada dadka ku waxyeeloobay dhibaatada abaarta, waxaannu yidhi, “Maanta dhammaanteen waxaynu u xaydanahay sidii aynu abaarta ugu gurman lahayn ee dadka jilicsan wax loo tari lahaa, waxaan ka codsanayaa dadka oo dhan in gurmadka ay loo wada hawlgalo oo la isu naxariisto oo nin xooggiisa ku tabaruca, nin maalkiisa ku tabaruca iyo nin arrin ku tabarucaba intuba isu tagto oo kacdo oo isku tashanno maalka iyo awoodda Ilaahay inna siiyey, Ilaahayna kaashanno dadkeenna abaaraha wax baynu uga tari karnaa, marka loo eego maanta halkaynu marayno dhaqaale ahaan. Ilaahay uun baa abaarta innaga saari kari ee waxaynu baryeynaa Ilaahay inuu roobka inoo shubo oo uu abaarta innaga jabiyo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.