Garsooraha Maxkamaddu Wuxuu Xisaabaadka Hay’ad Dawladeed U Xayiray Qof Sheeganaya Inuu Deyn Ku Lahaa Dawlada Hoose Wakhtigii Marxuum Cali Asad Maayarka Ahaa
Wareegtadii Madaxweyne Cigaal Uu 1998-kii Ku Laalay Deymihii Ay Galeen Maayaradii Wakhtigaas Ka Horeeyay
Maalintii Garsooraha Maxkamadda Gobalka Maroodi-jeex, uu soo saaray amarkaa xayiraada ah, waxa isla maalintii ku xigtay oo ay taariikhdu ku beegnayd 07/12/2015, uu Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Maroodi-jeex, Axmed Dalmar Ismaaciil, uu soo saaray Warqad kale oo Amar ah oo uu xayiraadii kaga qaaday Xisaabaadkii (Account-ka), ee ay dawlada hoose ee Hargeysa, ku lahayd Baanka dhexe ee Somaliland, taas oo uu Guddoomiyaha maxkamadu uu u cuskaday amarkiisan xayiraad ka qaadidda ah, kaddib markii ay maxkamadu garawsatay qoraal garnaqsi ah oo ay maxkamada u soo gudbiyeen maamulka dawlada hoose ee Hargeysa, oo ay kaga dalbadeen iyaga oo tixraacaya amarka xayiraada ah in ay maxkamadu ka qaado xayiraada sida uu dhiggayo qodobka 296 XHM, Sababta oo ah xisaabaadka la xayiraa waa kuwa gaarka loo leeyahay (Private), ee had iyo jeer lagala baxaayo hantida la dhiggay, laakiin Accounts-ka dawlada hoose ay yihiin mid dawli ah oo si joogto ah wax loo dhiggayo waxna looga saarayo iyada oo loogu adeegayo danta ummada, waxaanay sheegeen in muddadii ay xilka qabteen golaha deegaanku aanay jirin dawcad maxkamad looga yeedhay oo ay ka qeyb galeen ama garyaqaanka guud ka qeyb galay, dacwada uu sheeganayo Cismaan Ciise Faarax, ee uu ku sheeganayo in uu dawlada hoose ee Hargeysa, uu ku leeyahay dayn dhan $6800, in aanay ku jirin deyntii ay golihii hore ee deegaanku ku wareejiyeen golaha cusub ee immika xilka haya, waxaanay qoraalkooda ku xuseen in aanay jirin dacwad iyo qoraalo loogu yeedhay dhegaysigeeda ama loogu yeedhay garyaqaanka guud.
Sidoo kale, Maamulka dawlada hoose ee Hargeysa, waxa ay ku xuseen qoraalkan ay u qoreen Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex, in daynta uu Cismaan Ciise Faarax u sheegaayaa ay ahayd xilligii uu Maayarka ka ahaa Hargeysa, Allah ha u naxariistee Marxuum Cali Asad, oo ku beegnayd xilligii Allah ha u naxariistee Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo ay ka soo wareegtay muddo ka badan 15 sanno, xilkana ay iska badaleen afar Maayar, isla markaana uu shan ku yahay Maayarka immika xillka haya ee Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, isla markaana xilka dawladnimo ay sidoo kale iska badaleen Saddex Madaxweyne.
Dhinaca kale, Maayarka caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa Warqad qoraal ah oo uu qoray taariikhdu markay ahayd 18/6/2014-kii, una qoray Garsooraha Maxakamada Gobalka Maroodi-jeex, oo Sumada tixraaceedu ahaa XDH//H/243/2014, ku wargeliyay una gudbiyay garsooraha Maxkamada Gobalka Maroodi-jeex, digreeto wareegto Madaxweyne, oo Nuberkeedu ahaa NO-17/1298, kuna taariikhaysnayd 28/12/1998, summada tixraaceeduna ahayd Lr-JSL/M/WA/222017/1298. oo uu Allah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ku laalay dhammaan deymahaasi aan loo marin sifaha sharciga ah ee ay qaateen Maayaradii wakhtigaas xilka hayay oo mushkiladaha ugu badani ay ka taagnaayeen xilligaas magaalooyinka Hargeysa, iyo Gabiley.