WorldRemitAds

Dad badan oo reer Somaliland iyo reer Soomaaliyaba leh ayaa weli laba toddobaad ka dib kala garan la’ beenta ama runta laga sheegay jeneraal Moorgan ee ku saabsan dhimashada ama dhaawac jeneraalkaasi ku soo gaadhay jiidda hore ee Tukaraq.

Laba toddobaad ka dib ayaan sidoo kale jeneraalkaasi lagu arag dhulka Puntland ee uu ka doonayey madaxweynenimada, isagoon dhinaca kalena ninkaasi laga maqal hadal uu ku sheegayo inuu noolyahay caafimaadkiisuna wanaaggsanyahay, marka laga reebo muuqaal lix bilood ka hor lagaga duubay Jubba Land kaas oo uu ku sheegayo inuu nool yahay.

SomlegalAds

Haddaba marka la eego imaatinka Jeneraalkaasi ku yimi Magaalada Garoowe, soo dhaweyntii loogu sameeyey dhulkaasi, qudbadihiisii laga dareemayay caafimaad darrada ee uu reer Puntland kaga dhaadhicinayey inuu yahay ninka keliya ee Cabi Weli Gaas ka beddeli kara Madaxtinnimada dhulkaasi laguna darro kaambaynkii dhinaca dagaalada Gobolka Sool ee maamulka Majeerteeniya ku dhiirrigelinayay inuu hogaamiyo dagaalka kama dambaysta ah ee lagu soo qaadi doono Somaliland ayaa mar keliya laga waayey saaxadda siyaasadda iyo tan dagaalkaba.

Maalintii maamulkaasi duulaanka ku soo qaaday Tukaraq ayaa dad xogogaal ahi sheegeen inuu qayb ka ahaa saraakiishii hogaaminaysay maleeshiyo beeleedkii lagu jabiyey duulaankaasi.

Sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada Garoowe oo aan la magacaabin wax markii hore jirtay in wada tashi dhex maray Cabdiweli Gaas iyo Jen Moorgan lagu heshiiyay ama jeneraalka laga dalbaday inuu hogaamiyo dagaalka Somaliland ka dhanka ah ee lagaga xoreynayo siday sheegtaan Deegaanka Sool,  hase yeeshe jeneraalku diiday isagoo sida la wariyay ka cudurdaartay in ciidanka laga codsaday inuu hogaamiyaa aanay ahayn ciidan rasmi ah oo tababar fiican haysta balse ay yihiin maleeshiyo beeleed aan kala amar qaadanayn, waxaana sida la sheegeyo taas ka cadhooday maamulka Majeerteeniya iyo Cabdiweli Gaas,  jeneraalkana ku aflagaadeeyay diidmadaasi, waxayna taasi dhalisay in xanuun faalig ahi ku soo booday Moorgan ka dibna loola cararay magaalada Nayroobi.

Dhinaca kale warar kale ayaa iyaguna sheegeya in jeneraal Moorgan markii uu diiday inuu hogaamiyo dagaalka Tukaraq qaar ka mid ah maleesiyadaasi xabad ku rideen kuna dhaawaceen halkaasi, sidaana lagu geeyey Nairobi dhaawacaasina uu ahaa mid culus, halka baraha bulshada ee laga taagreero Somalilandna lagu baahiyey in generaal Moorgan dhaawac ka soo gaadhay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Tukaraq, isagoo lagu dhaawacay jiidda hore ee dagaalka mar uu h0orkacayey maleeshiyo beeleedyada Puntland gaar ahaana meesha la yidhaa Faliidhyaale .

Reer Somaliland ayaa badi ku faraxsan wax kastoo ku dhacay Moorgan oo ka baajiyay inuu hogaamiyo dagaalka Puntland ku doonayso inay ku soo ceshato Tukaraq, iyadoo ka maqnaanshihiisa saaxadda dagaalku niyad jab ku ridday ciidan beleedka Puntland soo dhoobtay soohinta labada dal. Hadii ay dhab tahay in jeneraalka godobaha badan reer Somaliland u hayaani u geeriyooday ama dhaawacmay waxay guul u tahay ciidamada Somaliland oo ku faani kara in hogaamiyihii maamulka Puntland ee dagaalka Tukaraq  u gacantooda ku dhintay markii looga taagwaayey inuu dagaalka gargarada ah ka joojiyo reer tolkii. Si kastaba ha ahaatee wuu dhaaftay wakhtigii Jeneraal Moorgan sheegsheegi lahaa noloshiisa iyo caafimaad qabkiisa, wayna dhaaftay wakhti Cabdiweli Gaas saaxadda dagaalka ku soo dhaweeyo jeneraalka, waxase hubaal ah in Gen Moorgan wax ku dhaceen meel ay kaga dhaceenba, hadiise aanay waxba ka jirin wax kastoo wakhtigan laga sheegayo, iskuna qarinayo jiidaha dagaalka waxay taasi caawin doontaa siyaasaddiisa uu ku doonayo inuu Puntland madaxweyne kaga noqdo mustaqbalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.