WorldRemitAds
Haweenay – Dadka qaarkood ayaa cabsida waxyaabaha qaarkood ay ka qadaan ku noqotaa cuqdad aan maaro loo helin oo kaga dhibaato badata, caafimaad daro iyo halis caafimaadna ku keenta noloshooda oo dhan.

Sida wakaalada wararka Reuters ku warantay, haweenay u dhalatay dalka Malaysia oo lagu magacaabo, Julia Bintu Abdullah, ayaa cabsida cudurka gumaada difaacayaasha jidhka ee (AIDS)-ku, ku noqotay balaayo nolosheedi oo dhan saamaysay, ilaa heer waali ahna gaadhay.
Haweenay Cabsi Ay Ka Qabto AIDS 25 Jeer Maalin Walba Maydhata Boqolaal Goorna Gacmaha MaydhaJulia ayaa maalin kasta afar saacadood maydhasho ku qaadata, waxaanay sadex boqol oo jeer maydha gacmaha, halka dhawr iyo labaatan goorna ay maalin walba ka maydhato, taas oo sida wakaaladu sheegtay todobaad kasta hal galaan oo shamboo ah isticmaasha.
Haweenaydan Ina Cabdillaahi ku magac dheer ayaa saskan ay ka qabto cudurka AIDS-ka ka qaaday, Shaybaadh cudurada lagu baadho oo ay muddo kooban ka shaqayn jirtay, halkaas oo wacyi gelintii digniinta ahayd ee laga siinayay cudurka AIDS-ka iyo Fayriska dhaliya ee HIV-gu khalkhal ku beertay nafteeda.
Haweenaydan ayaa shaqadeedi ku wayday, shakiga iyo saska ay ka qabtay xanuunkan, ka dib markii maamulkeedu dhibsaday wakhtiga badan ee ay maydhashada ku jirto iyo kharashka badan ee ay gelisay xafiiskii ay ka hawl geli jirtay, sidaana waxa lagaga eryay shaqadii.
Julia Bintu Abdullah ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegtay, in nolosheeda oo dhami sabool iyo danyar isku badashay, oo ay xaraashtay alaabtii gurigeeda si ay u hesho, kharashaadka badan ee maydhashada iyo is nadiifinta kaga baxa oo biilkoodu ku batay.
Waxa kale oo haweenaydan dhibaato ku noqday maydhashada aadka u badan ee ay jidhka iyo gacmaheeda maalin walba ku wado, gacmaheeda ayaa ku dhow in diirku ka dhaco, waxaana aad u khafiifay maqaarkeeda, taas oo sida dhakhaatiirtu sheegeen ku keeni karta caafimaad daro ka haleesha Maqaarka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.