WorldRemitAds

Ololaha Reer Galbeedka

Diinta Islaamka oo ah diin uu Rabi (SW), inoo sheegay inuu ilaashanayo, ayaa mar kasta oo la isku dayo in la cabudhiyo ay ka qaadaa in sida dhirta oo kale ay ku dararto, waana mid tan iyo markii ay soo degtay mar kasta oo dagaal iyo cadaadis loo gaysto ay fiditaankeeda iyo dadka hanuunka qaadanayaa ku sii badanayeen.

Ololaha  In badan oo ka mid ah dadka dhinaca wanaagsan wax ka eega iyo taariikh yahanadu ay ka waramaan in diinta Islaamku cadaadiska ku xoogaysato, dad badan oo kuwo ugu neceb tafiirtooda ahna ay badalka dedaalka aabayaashood ku hanuunaan, sida dhacday wakhtiyadii ugu horaysay ee ay soo degtay, oo aynu tusaale uga soo qaadan karno, Khaalid Binu Waleed oo aabihii Waleed Binu Muqiira ahaa qofkii ugu necbaa uguna sharka badnaa nabi Maxamed (NNKHA).
Ololaha Reer Galbeedku Sumcada Kaga Xumaynayaan Islaamka Oo Mar Walba Sababa In Dad Badan MuslimaanHaddii aynu u soo noqono casrigeenan ay aflagaadaynta iyo nacaybka diinta Islaamka iyo Nabigeeni Suubanaa ee Maxamed (NNKHA), gaalo tiro badani cadaysteen, cadho iyo rabshadana ka dhasheen waxa si wayn u kordhay dadka muslimaya iyo kuwa baadhitaanka ku samaynaya si ay wax uga ogaadaan shakhsiyada Nabiga iyo waxyaabaha diinta Islaamku jidaynayso.
Meelaha ugu badan ee sida wayn looga dareemay baadhitaankaas iyo xog raadinta dadyowga aan islaamka ahayn ee dunida waxa ugu badan Maktabadaha iibsha kutubta Islaamiga ah ee dalka Ingiriiska oo xog ururin lagu sameeyay lagu ogaaday in suuqoodu kor u kacay tan iyo intii ka danbaysay markii uu soo baxay filimka lagu aflagaadaynayo Islaamka iyo Nabigeeni Maxamed (NNKHA).
Dadka ka shaqeeya maktabadaha dawlada, kuwa jaamacadaha iyo kuwo gaarka loo leeyahay ee dalkaas ayaa warbaahinta u sheegeen in suuqa iibkoodu kor u kacay boqolkiiba sodon qiyaas ku dhow dhow, marka laga qiimeeyo heerka iibkoodu ahaa bilihii dhacdooyinkii u danbeeyay ka horeeyay.
Mulkiilayaasha maktabadaha iyo dadka ka hawl gala ayaa sheegay in xiisada iyo mudaharaadyada ka dhashay, filimkaasi ay soo jeediyeen dadka reer Britain, kuwaas oo bilaabay inay iibsadaan kutubta ka hadlaysa diinta Islaamka ee afka Ingiriisiga ku turjuman, waxaana kor u kacay dadka aan muslimiinta ahayn ee dalkaas u dhashay ee iibsanaya kutubta diinta Islaamka ka waramaya.
Kutubta ugu badan ee la waydiinayay isla markaana laga iibsanayay maktabadahan ayaa u badan, kitaabka Qur’aanka kariimka ee ku turjuman luuqada Ingiriisiga, waxa kale oo sida hawl wadeenada Maktabaduhu sheegeen ay dadku aad u waydiinayaan kutubta sida dhabbta ah uga hadlaya diinta Islaamka iyo waxyaabaha ay ku waajibinayso dadka aaminsan.
Gabadh iyadu ka hawl gasha mid ka mid ah laamaha ay leeyihiin Maktabadaha Waterston ee dalkaas, ayaa sheegtay in maktabadahoodu todobaadkii ugu danbeeyay si wayn u iibiyeen kutubtii diiniga ahayd ee ka hadlayay diinta Islaamka, gaar ahaan kuwoodi ku turjunaa luuqada Ingiriisiga oo sida ay xustay heerka iibkoodu gaadhay mid rikoodh jabis ah.
Masuul sare oo ka tirsan qaybta iibka buugaagta iyo kutubta ee Maktabada qaranka ee xukuumada dalkaasi leedahay oo ku taala deegaanka Eling ee galbeedka London ayaa isna sheegay in wakhtiyadii ugu danbeeyay kutubta ugu badan ee laga iibsadaa ahayd kuwa ka hadlaya diinta Islaamka gaar ahaan kuwooda ku turjuman luuqada Ingiriisiga, balse iibka kutubtaasi si afar jeer laabmay tan iyo intii ka danbaysay filimka fidnada dhaliyay ee lagu aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKHA).
Dhinaca kale maamulaha maktabada jaamada “Oxford”, oo ka mid ah maktabadaha ugu caansan dalkaas uguna da’da wayn ayaa isna si cad u qiray in iibka kutubta diiniga ee Islaamigu heer aad u sareeya kor ugu kacay, waxaanu tilmaamay masuulkani in kutubta Islaamigu wakhtiyadii u danbeeyay ahaayeen kuwa ugu macaashka badan ee ay iibiso maktabadoodu hasa yeeshee si aan la qiyaasi karin kor ugu kaceen todobaadkii ugu danbeeyay, isaga oo xusay in lagu tilmaami karo heerka iibkooda gaadhay kii ugu sareeyay ee abid iibsiga kutubtu gaadhaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.