WorldRemitAds
Taliyihii hore ee sirdoonka dalka Maraykanka Mike Flynn ayaa sheegay in Maraykanku duulaankii uu ku galay Ciraaq ahaa, nacasnimadii ugu waynayd ee taariikhda casriga ah lagu kaco, waxaanu tilmaamay in duulaankii dalkaa carbeed lagu qabsaday, xukunkana lagaga tuuray Madaxweyne Sadaam Xuseen uu ahaa qorshihii ugu faashilsanaa ee la fuliyo.

Taliyihii hore General Mike Flynn, ayaa waraysi uu siiyay jariirada ugu wayn dalka Jarmalka Der Spiegel, kaga waramay, dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii Maraykanku ku qaaday, hogaamiyayaashii carbeed ee kali taliyayaasha ahaa, gaar ahaana waxa uu uga hadlay Sadaam Xuseen iyo Qadaafi.
Taliyihii Sirdoonka MaraykankaGeneral Flynn, oo muddo sadex iyo toban sanadood ah, hogaaminayay sirdoonka hawl galada ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe iyo koonfurta bari ee qaarada Eeshiya, ayaa waraysigiisan ku sheegay, sida go’aankii lagu gaadhay in lagu duulo dalka Ciraaq, ka dibna xukunka lagaga tuuray Sadam Xuseen, uu qiimo wayn ugu kacay dunida iyo dalka Maraykanka.
Flynn ayaa tilmaamay in kali talisnimadii Sadaam Xuseen ku maamulayay dalka Ciraaq, aanay dhibaato ku hayn dunida, boqolkiiiba sagaashan dadka reer Ciraaqna noloshoodu fiicnayd oo nabad galyo, kala danbayn iyo rejo intuba ka jireen.
Laakiin markii xukunka laga tuuray, wax walba burbureen, oo dalkii baaba’ay, dagaalo Mad-habo iyo qabiilo ahina ay ka bilaabmeen, kuwaas oo wada gaadhay mandiqada oo dhan, oo xaalku halis iyo in dagaal Mad-habaysani ka qarxo ku dhow dahay.
Taliyihii Sirdoonka Maraykanka General Mike Fylnn, oo sawir ka bixinaya midhaha ka dhashay dagaalkii Maraykanku ku riday Sadaam Xuseen, ayaa yidhi, “Waxaanu samaynay nacasnimadii ugu waynayd taariikhda, waxaanu ridnay xukuumadii Ciraaq, waxaanu baabiinay dalkii, waxaanu dilnay Sadaam Xuseen, ka dibna waxa badalay, Abu Muscab Al Sarqaawi Iyo Baqdaadi.” Ayuu yidhi.
Flynn ayaa waraysigiisan ku qarxiyay, sir cusub oo aanay dunidu hore uga war qabin, taas oo ku saabsan, hogaamiyaha dawlada Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish, Abuubakar Al Baqdaadi, kaas oo uu sheegay in Maraykanku qabtay, balse si deg deg ah ay xabsiga looga sii daayay, sanadkii 2004-tii, waxaanu xusay in go’aankaasi laftiisu ahaa nacasnimo kale iyo khalad labaad oo ay galeen.
Taliyahan oo waraysigiisu aad u dheeraa, ayaa sidoo kale ka hadlay, dalka Libya iyo xaaladaha ka taagan xiligan, waxaanu sheegay in Mar walba Maraykanku, ku kaco khaladaad oo waa sida uu hadalka u dhigaye ay mushkiladaha madaxa ka jaraan, laakiin aanay hubsan ilaa heerka dabadeedu gaadhsiisan tahay.
Waxaanu isagoo ka hadlaya yidhi, “Imika waxa Libya noqotay, dawlad fashilantay mana jirto nolol iyo wax ay dadku ushaan, waxaana u sabab ah in si fudud loo gaadhay go’aankii lagu riday Qadaafi, ka dibna isagii lagu dilay, cawaaqibkii ka dhashay hawl galadaasina ay noqdeen in waddankii iyo nidaamkii dawladnimo burburo, lana garan waayo cid ka Talisa.
Ugu danbayntii waxa uu taliye Flynn sheegay in Maraykanku galay khaladkii ugu waynaa taariikhda, wax kasta oo ay sameeyaana aanay ceebtaasi ka hadhayn waligood, waxa kale oo uu tilmaamay sida uu uga walaacsan yahay waxa ay ku danbayn doonto, xaalada gobolka bariga dhexe, oo sida uu xusay ay intiisa badan taladeeda la wareegeen, taageerayaasha Daacish, kuwaas oo halistoodu meel kasta oo dunida ah gaadhay, sida uu rejaynayana ku fidi doonta dunida oo dhan.
Waxaanu tusaale u soo qaatay dhibaatooyinka ka taagan bariga dhexe iyo weeraradii Dacish ka fulisay, waddamo badan oo caasimadda Faransiiska Ee Paris ka mid tahay, dhibaatada iyo weeraradooduna sii kordhi doonaan ayuu yidhi, General Mike Flynn.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.