Saameynta Xun Ee Abaaraha Iyo Somaliland

0
29
PropellerAds
Saameynta Abaaraha – Hargeysa, Somaliland, December 1, 2015, (Saxafi) – Xassan Xaaji Tawakal ayaa waxaa uu 80 sanadood ku noolaa mid ka mid ah deegaanka adduunka ugu adag xagga cimillada. Waxaa uu soo arkkay abaaro xoogan oo uu la soo noollaa, laakiin, roob la’aan iyo abaar tan hadda soo martay ka dheer wali lama uu kulmin intii uu degenaa galbeedka Dalka Somaliland.

Warbixin dheer oo uu wargeyska theguardian ka qoray deegaanadda waqooyi galbeed ee Somaliland oo abaar xummi sanadkan saameysay waxaa lagu yidhi. “Abaartu, waxaa ay saameysay qiyaas ahaan 240,000 qof oo aan cunto ku filan haysanin, waxaana ka le’day ama abaartu ka sahayatay inta u dhaxaysa 35% ilaa 40% ka mid ah xoolihii ay dhaqanayeen oo qaali ka ah Somaliland, waxaana uu dadka arrintani saameysay ka mid ah Xaaji Tawakal oo su’aal galiyay sidda loogu sii jiri karayo dhaqashada xoolaha wixii hadda ka danbeeya. In kasta oo noloshiisu ku dhisnayd oo ay tahay shayga kali ah ee uu yaqaan.”
Saameynta Xun Ee Abaaraha iyo Somaliland“Xoolo ma haysto hadda, Abaartiina weli way jirtaa halkan, Dhibaato ayaa na haysata aanaan u hayn jawaab. Waayo waxaanu ahayn xoolo raacato magaaladda la gasha xoolaheedda. Laakiin, imika ma jirayso taasi” Ayuu yidhi Xaajigu.
Odaygu waxaa uu kuududay Kursi caag ah oo yaalay hooska ka rogmaday gurrigiisa ardaagiisa Tuulada Gargaara marka Wariyuhu la kulmay. Tuuladdan waxaa baabuurku u socon karayaa illaa saddex saacadood marka laga tago Caasimada Somaliland ee Hargyesa, laakiin, waxaad moodaa aduunyo kale.
Tuuladani waxaa ay leedahay ceelal biyood waana sababta isugu keentay ee dadku ugu soo ururayeen shantii sanadood ee la soo dhaafay.
Somaliland waxaa ay ka mid-tahay meelaha is bedelka cimmiladu sida xun u saameeyay ee tusaalaha loo soo qaadan karro, marka laga hadlayo saameynta horumarka ee arrintan iyo ujeedooyinkii laga lahaa kullankii lagu qeexay ee ka dhacay New York September sanadkan.
Saameynta Xun Ee Abaaraha iyo SomalilandKaliya saddex meelood hal meel ayaa dadka hela biyo nadiif ah. Cimriga ee dalkan Somaliland oo ay dadkiisku qiyaastii yihiin 3.5 milyan oo qof, waa kaliya 53 sano raga ah iyo 56 sanadood oo haweenka. Guud ahaan marka la eego dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo dhan dadka ku nool 33% ka mid ah ayaa hela korontada.
Baanka Adduunku war bixin u u diyaariyay sanadkii 2012, ayaa lagu sheegay in qiyaasta wax soo saarka gudaha Somaliland ahayd $ 1.4bn (£ 930m), taasoo marka la eego nidaamka GDP ama waxa soo galaya qofka sanadkii ka dhigan $ 347 oo kaliya. Qiyaastani markaa waxaa ay Somaliland geyaysiinaysaa dalka afraad ee ugu saboolsan dunida, waxaana ka saboolsan uun Malawi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Burundi.
Somaliland, waxaa dhaqaaleheedu ku tiirsanyahay inta badan dhoofka xoolaha iyo xawilaadaha debadda ka imanaysa. Laakiin, dhinaca maalgalinta shisheeyaha waxaa ay kaga jirtaa godoon xaalado siyaasadeed awgeed. “Biyuhu waa aasaaska noole kastaa u baahan yahay, waanay adagtahay sidda la isku gaadhsiiyaa haddii biyihii isha kali ah ee ay ka immanayaan tahay Ceelgacmeed” Ayuu yidhi Xaji Tawakal.
Si kataba ha ahaatee, kulan is bedelka cimiladda aduunka lagaga hadlayo oo ka dhacaya dalka Faransiiska 30 November ilaa 11 December, ayaa la filaya in 190 dal madaxdoodu ku naaqishaan sidii xal loogu helli lahaa dhibaatooyinka ka dhashay arrinkan.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.