WorldRemitAds
Asmara, Eriteriya, December 3, 2015 (Saxafi) – Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in Eretria ay noqotay dalka lagu dhibaateeyo shacabka ugu faraha badan ee caalamka, iyadoo warbixin ay soo saartay Amnesty ku xustay in tiro badan dhallinyarada dalkaas ka mid ah uga barakacaya dalkooda si khasab ah.

Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixinteedan cusub in dalka Eritrea uu noqday waddanka saddexaad ee qoxootiga ugu badan ay ka cararayaan dalkooda, kuwaasoo galaya dallaka Yurub, iyadoo hay’addu ay sheegtay inay aad u soo kordhayso diidmada codsiyada ay dadka u dhashay Eritrea ku dalbanayaan sharciyada dalalka ay magan-galyo ahaanta u galeen.
Amnesty Report on EritreaSidoo kale, hay’addu waxay Beesha Caalamka ka dalbatay inay dhibaatada ka jirta Eritrae u aqoonsadaan inay tahay arrin si cad uga soo horjeeda Xuquuqda Aadanaha.
Hay’addu waxay tilmaantay in tababarka ciidannimada ee khasabka ah ay tahay sababta ugu weyn ee dhallinyaro badan dalkaas u dahashay ay ay ku khasabtay inay ka cararaan dalkooda.
Waxay hay’addu warbxinteeda ku xustay in dhallinyaradan oo rag iyo dumarba leh ay intooda badan maraan safarro sharci-darro ah; kuwaasoo ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan; iyagoo ujeeddadoodu tahay inay tagaan Yurub.
Shacabka Eritrea ka cararaya ayaa qaarkood waxay Amnesty International uga warrameen xaaladaha ay ku shaqeeyaan; sida in dadka si khasab ah ciidammo looga dhigo iyo ciqaabta ciidan oo uu la kulmo qof kasta oo la qabto isagoo ka baxsanaya dalka.
Dhanka kale, warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay horraantii sannadkan aynu ku jirno ayaa waxaa lagu sheegay in khasabka dhallinyarada dalka Eritrea ku nool ay sababto shaqa-xumo iyo mushaar yari, iyagoo qaata bishiiba lacag 40 doollar ah, taasoo aan noloshooda ku filnayn.
Balse, xukuumadda Eritrea ayaa eedahaas beenisay, waxayna ku qeexday tallaabooyin lagu curyaaminayo hormarka dalka ka socda.
Qaaradda Yurub ayaa waxaa ku qul-qulaya qoxootiga oo ka imaanaya caalamka oo dhan. Waxayna hay’adda Amnesty International sheegeysaa in qoxootiga ay xuquuq u leeyihiin inay helaan badbaadin caalami ah, in dib loogu celiyo dalalkoodana ay mustaqbalkooda sii xumeynayso.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande ayaa dhawaantan sheegay in hoggaamiyayaasha Eritrea looga baahan yahay inay cadaadiska lagu saaro si shacabkooda dalkooda ka cararaya loo joojiyo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.