Washington DC, USA, August 01, 2016 (Saxafi) – Aqoonyahanka reer Somaliland, isla markaana ah Wakiilka Somaliland u fadhiya caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC, Rashiid Gaaruf, ayaa markii ugu horeysay waxa uu si faahfaahsan uga hadlay fursadaha qaaliga ah ee Somaliland ugu jira Maalgashiga ay uga heshay Dekedda Berbera shirkadda laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee DP World, waxaanu heshiiskaas ku tilmaamay Fursadi iyo Maalgashigii ugu weynaa ee ay abid Somaliland ka hesho dunida aan weli aqoonsan dalnimadeeda.
Qoraal dheer oo uu Rashiid Gaaruf nagu soo gaadhsiiyey xidhiidhka Emailka, ayaa waxa uu si qodob qodob ah uga waramay fursadaha maalgashigan ugu jira bulshada iyo dalka guud ahaan Somaliland, isagoo hoos ugu dhaadhacay xataa cadaawadda ayey dalal badani ka qaadeen in fursaddan ay hesho Somaliland.
Qoraalkan Rashiid Gaaruf oo aad u dheeraa waxa ay qaybtiisii hore u dhignayd sidan:
“Waxa aynu markasta nidhaahnaa waddanka waa in loo raadiyo cid maalgashata; si aynu fursad ugu helno in dhaqaalaha la kobciyo, dadkeena shaqo loo abuuro, la dhiso waddanka oo la sameeyo illo dhaqaale oo waawayn oo waddankeena iyo qaranimadeena xoojiya. Ujeedada ugu wayn ee Somaliland leedahay heshiiska DP World, waxa weeye inaynu dekeda Berbera u helo maalgashi lagu dhiso oo lagu qalabeeyo, si Ethiopia u soo mariso alaabta ay la soo degayso Berbera 30%, taasuna u noqoto mid kor u qaadayso dhaqaalaheena, dadkeena shaqo loogu sameeyo, inaynu ku xidhanaano UAE oo u noqono saaxiib wanaagsan suurto galna u noqoto in passportkeena loogu dhoofo UAE, xoolaheena nool si sharci ah loogu dhoofiyo Dubai, inay qaranimadiisu xoogaysato. Taas weeye ujeedada heshiiska DP World.
Somalidu waxay tidhaahdaa qofka aad kabaha aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa. Waxa is waydiin leh ma dameerteenii baa nin geele inoo dhex gelaysa heshiiskan; mise dayday xayraan ah baynu wax ku darsanaynaa oo inaga uun dheef inaga deyaya?
Tobanka dekadood ee adduunka ugu waawayn ee lagu rogo containers waawayn afar ka mida waxa maamulkeeda loo dhiibay DP World. Tobanku waxay ku kala yaaliin;
[1] Shanghai, China, 33M containers, [2] Singapore, Singapore, 32M, [3] Shenzhen, China, 23M, [4] Hong Kong, Hong Kong, 22M, [5] Busan, South Korea, 17.6M, [6] Ningbo-Zhoushan, China, 17.3M, [7] Qingdao, China, 15.5M, [8] Guangzhou, China, 15.3M, [9] Jebel Ali, UAE, 13.6M, [10] Tianjin, China, 13M
Shirkada DP World waxay maamushaa afar ka mida tobanka dekedood ee adduunta ugu waawayn, afartaas oo kala ah (ta 4raad Hong Kong, ta 7aad Qingdoa, ta 9aad Jebel Ali iyo ta 10aad Tianjin. Saddex waa Chinese midina waa Dubai). Shirkada DP World waxan heshiis kula jirtaa 40 waddan oo waxa u shaqeeya shaqaale ka badan 37 kun oo qof oo kala jooga 110 waddan.
Wadamada kale ee ay Dubai World u maamusho dekado waawayn oo Terminalka la soo mariyo waxay weeye (China, India, Indonesia, Pakistan, Phillipene, South Korea, Viatnam, Thailand, Australia, Argentine, Brazil, Dominican Republic, Suriname, Algeria, Belgium, Djibouti, Egypt, France, Germany, Mozambique, Netherlands, Romania, Saudi Arabia, Senegal, Spain, Turkey, UAE, iyo United Kingdom). Intaasuba waa waddamo la aqoonsan yahay oo ka mida kuwa caalamku ugu dhaqaalaha badan ama ugu waawayn. Waxan shicibka Somaliland tusaalaynayaa in shirkada Dubai Ports tahay shirkad caalamka laga yaqaan oo lagu aaminay inay maamusho dekedaha addunka ugu wayn oo ku yaala wadamada caalamku ugu waa wayn. Taas macnaheedu waxa weeye; dawlada Somaliland waxay heshiis la gelaysaa shirkad caalamka oo dhan xidhiidh ku leh oo caalamka ku leh saaxiibo fara badan oo wax inoo tari kara. Shirkadanu haddii illaahay ka dhigo marka ay ina maal gashato Somaliland, waxay inoo noqonaysa saaxiib wanaagsan, oo wanaageena iyo danteena lexejeclo ka hayso si ay u illaashato maalgashigeeda. Marka nin saaxiibo badan leh, oo caalamka laga yaqaana, oo adduun iyo maalgashi farabadan haystaa kula saaxiibo, marka heshiiska laga tago, saaxibtinamadiisa ayaad ku faaiidaysaa oo wax tar wayn kuu leh.
Heshiiskan waxa la hor keeni doono Barlamaanka Somaliland; oo ay dawladu waydiin doonto inay ansixiyaan heshiiska aynu la gelayno DP World. Waa heshiis qaranka iyo ummada Somaliland wax tar wayn u leh oo dhaxaltooyo u noqonaya mustaqbalka qarankeena, oo qayb libaax kaga jira dhismaha qarankan, kobcinta dhaqaalaha, shaqo samaynta, iyo raadinta ictiraafka aynu caalamka ka doonaynoba.
1 – Qaybta kowaad waa heshiiska ku kooban labada dawladood ee Imaaraadka\Dubai metelayso iyo Somaliland. Waxa ugu horeeya in labada waddan imaaraadka\Dubai iyo Somaliland wada samaystaan xidhiidh dhaqaale iyo baayacmushtarka ah oo labadooda ka dhexeeya. Inay ka wada shaqeeyaan dhinaca shaqo u samaynta sidii dadka reer Somaliland ay uga shaqayn kari lahaayeen Dubai; sidii Dubai ay uga dhisan lahayd hotelo 4 star ah Hargeysa iyo Berbera, sidii loo dhisi laha haamo shidaal oo cusub, sidii loo dhisi lahaa dariiqa isku xidha Berbera iyo xaduudka Ethiopia. Inay laba waddan samaystaan xidhiidh joogto ah, iyo gudi joogta ah oo uga wakiil noqda kobcinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dawladood. In xidhiidhka ka dhexeeya shirkadaha baayacmushtarka ee Dubai iyo Somaliland lagu soo xidho heshiiskan oo ay aad u kordhiyaan xidhiidhkooda, oo la sameeyo waftiyo joogta ah oo baayacmushtariga metelaya oo labada dawladood qabanqaabiyaan. In wixii is qabsi ah ee yimaada loo xalilo si dimplomaasi ah. In heshiiskan labada dawladoodba ka bixi karaan haddii ay u arkaan inaanu waxtar u lahayn; laakiin looga baahan yahay haddii midi heshiiska ka baxayso inay dawlada kale siiyaan ogaysiin buuxa muddo lixdan casho ka hor ah inta aanay heshiiskan ka bixin.
Shicibka Somaliland waxan u sheegayaa heshiiskanu wuxu muujinayaa in Somaliland ay heshiis culus la gashay dawlad ka mida caalamka (UAE), inay Somaliland tahay qaran jira oo caalamka la gala heshiisyo culculus, oo heshiiskanu wuxu xoogaynayaa qaranimada Somaliland. Haddii Dubai ay inala gashay heshiis dawladaha kalena way ku soo dhiiranayaan inay heshiis inala galaan. UAE iyaga oo dantooda eegaya ayay heshiiskan inala galeen, cidkastaana dantooda marka ay inaga dhex arkaan waxay inala gelayaan heshiiskan oo kale. Inagana heshiiskanu kor ayuu u qaadayaa qaranimadeenii oo waxa aynu yeelanay oo inoo soo kordhay saaxiib culus. Markii hore Ethiopia ayaa inoo ahayd saaxiibkeena ugu culus, imika xaga Carabtiina waxa inooga soo kordhay saaxiib culus oo labaad, taas oo heshiiskanu inoo suurto gelinayo. Dawlada Dubai markasta waxay illaashanaysaa dhaqaalaha kaga jira Somaliland oo nabadgelyadeena, horumarkeena iyo wanaageena ayay jeclaanaysaa markasta. Sidaa daraadeed heshiiskanu waa mid marka laga tago dhinaca dhaqaalaha, kor u qaadaya qaranimadii iyo himiladii shicibka Somaliland ay raadinayeen. Inaga shicib iyo dawladba waxa inoo taala inaynu garano meesha inagana wax inooga kordhayaan cid kalena dantooda ka dhex arkayso, taasaa inoo hawl yaraynaysa in caalamka ay la yeelano xidhiidhka iyo aqoonsiga aynu doonayno. Qof kasta iyo waddan kasta dantooda marka ay kaa dhex arkaan way ku soo raacayaan. Sidaas ayaynu qaranimadeena ku xoojinaynaa, maantana heshiiskanu wuxu inoo sameeyay saaxiib cusub oo illaalinaaya xoolahiisa iyo asxaabtiisa oo aan wanaag mooyee ogolaan doonin in reer Somaliland dhibaato gaadho xagay doontaba ha ka timaadee. Sida maanta Ethiopia saaxiib inoogu aragto ayay berito Dubai inooga dhigaysaa saaxiibkooda gaarka ah ee maalkoodii ay ku aamineen.
2 – Qayba labaad –Waxa la samaynayaa shirkad cusub oo maamusha Dekeda Berbera, shirkadaas oo dawlada Somaliland iyo dawlada Dubai wada yeelanayaan. Shirkada lacagta lagu maal gelinayo waxa loo kala bixinayaa Dubai 65% ayay bixinaysaa Somaliland-na 35% ayay bixinaysaa. Shirkadan ayaa lagu wareejinayaa maamulka dekeda Berbera. Hadhow marka shirkadu maamusho dekeda Berbera wixii ka soo baxa inta aan kharashka ku baxa dekeda laga jarin, marka hore Somaliland waxa la siinayaa 5 million sannad kasta, marka labaad Somaliland waxa la siinayaa boqolkiiba toban 10%, ka dib waxa laga jarayaa kharashka ku baxa dekeda, marka saddexaad inta soo hadha ayay Dubai qaadanaysaa 65% ka dibna Somaliland qaadanaysaa 35%-ka kale. Somaliland waxay markasta helaysaa 45% iyo waliba shan million oo dheeraad u ah sannadka. Intanu waa sida loo qayb sannayo wixii ka soo baxa.
Intaa waxaa dheer maalgashiga dawlada Dubai ay maalgashanayso dekeda Berbera. Marka hore maalinta la saxeexo heshiiska Dubai waxay Somaliland siinaysaa shan iyo toban milyan oo xaqul qalin ah, waxay keenaysaa qalab cusub dekeda imika jirta lagu qalabeeyo oo heshiiska ku qeexan oo qiimihiisu yahay laba iyo lixdan milyan ($62 million dollars). Waxa intaa dheer oo muhiimada ugu culus Somaliland u leh in sannadka ugu horeeya DP World bilaabayso dhismaha deked cusub oo labaad oo laga soo dejiyo Konteenarka dekedaas oo dhererkeedu yahay 400 meter iyo qalabkeedii oo ay ku baxayso lacag dhan boqol iyo todobaatan $170 million oo dollar. Marka dekeda cusubi shaqayso ee la gaadho in awoodeedii la wada isticmaalay, waxay DP World dhisaysaa deked saddexaad oo dhererkeedu yahay 400 meter oo kale iyo qalabkeedii, dekedaas oo lagu qiyaasay inay ku baxayso ugu yaraan laba boqol iyo toban kun $210 million oo dollar. Heshiiskanu waa heshiis soconaya soddon sanadood. Waa heshiis DP World aanay gaadhi Karin dhamaan go’aanada waawayn oo dhan keligeed iyada oo aan la tashanin Somaliland. Waa heshiis aan ogolayn inay DP World maamulkeedu aanay shir fadhiisan Karin haddii aan qof metelaya Somaliland aanu shirka fadhiyin oo goobjoog ka ahayn.”
La soco qayb kale oo qoraalkan ka mid ah