WorldRemitAds

Qaramada Midoobay ayaa warbixin taranka iyo korodhka dunida ay kaga hadashay oo maalintii arbacadii la soo saaray, ku sheegtay korodhka waddamo badan oo dunida ah, kuwaas oo si laxaad leh tiradda dadkoodu u kordhi doonto, iyadoo la filayo in Hindiya noqon doonto dalka ugu dadka badan adduunka.

Sida lagu sheegay warbixintan qaramada Midoobay toban sannadood ka dib Hindiya ayaa noqon doonta waddanka ugu dadka badan dunida, waxaanay dadka ku dhaqan dalka Hindiya ka badan doonaan kuwa Shiinaha oo imika iyagu ah kuwa ugu badan dunida.

SomlegalAds

Warbixintan ayaa sidoo kale iftiimisay in sanadka 2050-ka marka la gaadho ay Nigeria ka dad badan doonto Dalka Maraykanka, waxaanay haddii taasi dhacdo ay noqon doontaa tarankii ugu badnaa ee muddo aad u kooban ay kordhaan dadka ku dhaqan dalka Nigeria.

Hindiya Oo Noqon Doonta Dalka Ugu Dadka Badan Adduunka
Toban sannadood ka dib Hindiya ayaa noqon doonta waddanka ugu dadka badan dunida

Dalka Maraykanka ayaa tiradda dadka ku nooli imika tahay sadex boqol oo milyan, halka dalka Nigeria tiradda dadkiisu dhan tahay boqol iyo toban milyan oo qudha, waxaana sida warbixintu tilmaamayso Nigeria ay shan iyo sodonka sanadood ee soo socda ka dad badan doonta Maraykanka.

In kasta oo warbixintani dhibaatooyin ka dhalan doona korodhkaa xad dhaafka ah ee dadyowga waddamada soo koraya saadaalisay, haddana waxa lagu xusay in horumar wayn ay ku talaabsan doonaan dalalka dadka badani u kordhaan, oo dhinacyada beeraha, ganacsiga, warshadaha, tignoolajiyada iyo waxbarashada ay guul ka gaadhi doonaan, isla markaana nidaamkooda dumuqraadiga ahi xoogaysan doono, waa haddii sida sadaashu sheegaysaa rumowdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.