Boorama, Somaliland, March 12, 2012, (Saxafi) – Maamulka Awdal iyo Hogaamiyayaasha dhaqanka ee Gobolkaas ayaa markii u horeysay fariin ay ku midaysan yihiin u diray xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, taasoo ay ku dalbanayaan in la gaadhsiiyo qaybta ay leeyihiin deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta biyaha si loo yareeyo abaaro baahsan oo ay sheegeen inay gobolkaas ka jiraan.
Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxmed Cumar Sheekh, shir shalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Awdal, ayaa waxaa ka qayb galay inta badan hogaamiyedhaqameedyada caanka ah ee gobolkaasi, ganacsato iyo waxgarad kale. halka dhinaca dawladdana goob joog ka ahaayeen badhsaabka gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci iyo ku xigeenkiisa Cabdi Nuur Sugaal.
Kulankan shalay ayaa waxa hadallo isugu jira dardaaran, dhaliilo iyo dhiirrgelinba leh ka soo jeediyey salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Saleebaan Cali, Suldaan Xassan Xaddi Baade, Suldaan Dhawal, Caaqil Cabdi Axmed Cige, Ganacsade Xaaji Axmed Miisaan, Caaqil Ibraahim Weyd, Suldaan Sanbuurad iyo cuqaal tiro badan oo ka kala socday dhammaan deegaanada gobolada Awdal iyo Selel, waxayna dhammaantood farta ku fiiqeen baahida taalla gobolka ee ay sababeen abaaraha iyo biyo yarida iyo sida xukuumadda Axmed Siilaanyo weli aanay uga jawaabin baaqyo tiro badan oo hore loogu diray dawladda. Cuqaasha iyo salaadiinta qaar ayaa iyaguna dhaliilo adag dusha uga tuuray masuulyiinta xukuumadda Axmed Siilaanuyo kaga jira golayaasha qaranka, kuwaasoo ay qaarkood ku tilmaameen hindi shaqo tegtay, waxaana ay ugu baaqeen inay caddeeyaan cidda ay metelaan. dhinaca kale qaar ka mid ah ka qaybgeleyaasha kulankan ayaa beelaha reer Awdal ka dalbaday inay iska cafiyaan wax kastoo caloolxumo ah oo soo kala dhexmartay si Ilaahay ugu aqbalo ducadooda raxmaadka ilaahayna ugu yimaddo.
Badhsaabka Awdal, Axmed Xaddi sidci oo gabegabdii shirkaasi ka hadlay ayaa odayaashii iyo waxgaradkii kasoo qaybgalay shirka uga mahadceliyay sida ay isaga iyo xukuumadaba ugu muujiyeen dareenkooda, una muujiyeen mawqifkooda ku aaddan baahiyaha gobolka yaalla sidii wax looga qaban lahaa, isagoo dhinaca kalena badhsaabku ku dheeraaday inaan la isku xidhin dareemada ama tabashooyinka daweynaha gobolka iyo qarannimada dalka, si niyadsami ahna tabashooyinkooda ay ugu gudbiyaan xukuumadda iyadoo aan meel lagaga dhicin qarannimada dalka iyo wada-jirka dadweynaha Somaliland.
Kulankan shalay ayaa isu keenay hogaamiyedhaqameedyada gobolka Awdal iyo Selel oo muddo sannad ku dhawaad ahba ku kala tegsanaa arrimaha siyaasadda dalka iyo kuwa dhaqanka, kuwaasoo sababay kala qaybsanaan xoog leh oo soo kala dhex gasha beelaha reer Awdal iyo Selel.