WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, September 16, 2018 (Saxafi) – Waxaa shalay magaalada Addis Ababa gaadhay madaxda Jabhadda Oromada ee OLF loo soo gaabiyo.

Weftigani ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha jabhaddaas oo muddo dheer dagaal kula jirtay dawladda Ethiopia.

SomlegalAds

 Weftigga ayaa waxa ay isugu jireen golaha dhexe OLF iyo guddiga fulinta ee jabhadaasi.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeysay wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibadda ee xukuumadda Ethiopia.

Guddoomiyaha jabhadda xoreynta Oramia ee OLF Dawud Ibsa Ayana oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka ayaa sheegay in dib u soo laabashadiisu ay la xidhiidho isbadalka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay.

Waxaa uu intaa ku daray in waxyaabaha ku dhiirigaliyay islamarkana ay ku qanceen ay ka mid tahay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Ahmed ee dhalinyarada ka kooban islamarkana isbadal doonka ah.

Guddoomiyaha jabhada xoreynta Oromiya ee OLF Dawud Ibsa Ayana oo wax laga waydiiyay waxa uu qorshahooda yahay ayaa sheegay in ay galayaan halgan ku dhisan wada hadalo iyo in halgamayaashooda la xareeyo islamarkana la baro anshaxa dawladnimo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.