WorldRemitAds

Tahraan, Iraan, August 8, 2016 (Saxafi)-Wadanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa shalay daldalaad ku fulliyay saynisyahan weyn oo wadankaasi u dhashay ka dib markii lagu eedeeyey inuu sir ka gudbiyey arrimaha Nucliyeerka Iiraan.

Saynis yahankan ayaa ka mid ahaa khuburada ka shaqayn jirtay Nukliyeerka Iiraan ee reer galbeedku cunaqabateynka ku saareen, taas oo Maraykanka iyo Yurub midna ogolayn in Iiraan yeelato hub Nukliyeer.

Saynis yahanka in la dilay waxa BBC-da u xaqiijiyey qoyskiisa, waxaana ay sheegeen in Saynis yahankan reer Iiraan uu xidhnaa tan iyo sanadkii 2010-kii.

SomlegalAds

Saynis yahankan Shahram Amiri hooyadii ayaa sheegtay in maydka wiilkeeda la keenay magaalada ay ka soo jeedaan isaga oo luquntiisu ay calaamaddi ka muuqato, taas oo muujinaysa in la daldalay.

Markii dambe waa la aasay. Amiri ayaa meel qarsoodi ah lagu hayay kaddib markii uu ka soo noqday dalka Maraykanka oo uu sheegay in sirdoonkoodu ay qasab ku geeyeen.

Wararka qaar waxay sheegayeen in uu macluumaad badan ka hayay barnaamijka Nukliyeerka Iran. Amiri oo dhashay sanadkii 1977, ayaa la waayay ka dib markii uu Xaj u tagay magaalada Maka 2009-kii.

Maraykanka ayuuna mar dambe ka soo muuqday isaga oo sheegay in la afduubtay cadaadis dhanka maskaxda ahna lagu saaray in uu CIA-da siiyo macluumaad xasaasi ah.

Muuqaal isaga oo Maraykanka jooga ah ayuu sheegay in ay geeyeen guri aanu garanaynin meel uu ku yaallo ayna ku dureen dawo.

Muuqaal kale ayuu ku sheegay in uu ka soo baxsaday maxbuusnimadii Maraykanka, Tehran ayuuna ku soo noqday 2010-kii isaga oo sidii halyay loo soo dhaweeyay.

Saraakiil Maraykan ah ayaa BBC-da u sheegay in Amiri uu iskii u soo baxsaday uuna Maraykanka siiyay “Macluumaad faa’iido badan” Markii dambe waxaa la sheegay in xabsi dheer lagu xukumay markii uu Tehran ku soo laabtay. Wakhtigaas qoyskiisa ayaa BBC-da u sheegay in la xidhay ayna u cabsanayaan noloshiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.