WorldRemitAds
Tan iyo intii ka danbaysay sanadkii 1998-dii markii uu Madaxweynaha dalka Ruushka Noqday Vladimir Putin, waxa uu dalkaasi horumar wayn ka samaynayay dhinacyada awooda, dhaqaalaha, siyaasada, ganacsiga, dublamaasiyada iyo aqoonta tignoolajiyadeed.

In ka yar toban sanadood gudahood waxa uu Putin oo xafiiska raysal wasaaraha ka bilaabay nidaamka furfurista dalkaasi, ku guulaystay inuu gabi ahaanba badalo wajigii tashwiishku galay iyo sumcad xumadii dalkaasi ka soo gaadhay burburkii midowgii soofiyeeti.
Waxa uu dib u soo nooleeyay haybadii iyo sharaftii uu dalkaasi ku lahaa fagaarayaasha siyaasada, dublamaasiyada iyo quwadaha caalamka, wallow intii xaaladu ka jajabnayd uu dalkaasi waayay saaxiibo badan oo ay xulafo isku ahaayeen iyo wadamo la jaal ahaa midowgii sofiyeeti, sida Ciraaq iyo meelo kale, waxa uu dib ka bilaabay in uu xulafadiisa taageero siyaasadeed iyo mid milatariba siiyo.
Putin ayaa si wayn u dhisay ciidamada dalkiisa, waxaanu balaayiin dollar galiyay wax soo saarka hubka casriga ah iyo warshadaynta milatariga ee dalkiisa, taas oo horseeday in injineerada iyo aqoon yahanadii tignoolajiga ee dalkiisu ku baratamaan dedaalkaas ilaa heer ay wakhti kooban gudihii dhinacyo badan ku dhaafeen reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka oo ah ka kaliya ee ay tartanka ugu adag ku wada jiraan.
Madaxweyn Putin ayaa ciyaaray siyaasad dhex dhexaad ah, waxaanu cadeeyay in dalkiisu dibada iska taagayo faro galin kasta oo ka dhan ah, umad iyo qaran xor ah, meel kasta dunida ha kaga yaalee ama figrad kasta ha aaminsanadee.
Laga bilaabo wakhtigaas waxa uu Ruushku noqday mid dhamaan dhibanayaasha reer galbeed ka cararka ahi magan galaan, taas oo taariikhda markii ugu horaysay xagal sadex boqol iyo lixdan digrii ah dhinaca kale u wareejisay, tusaale ahaan haddii sideetamaadkii iyo todobaatanaadkii qarnigii hore, dadka ka baxsada maamuladii Shuuciga iyo kali taliyayaasha ahaa ee Ruushku taageeri jiray, u firxan jireen, magaalooyinka London, New York, Paris iyo Bon, waxa ay taa badalkeeda dadka ka cabsida qaba cadaalad daro in lagula kaco ee dalalka Reer galbeedku imika, magan galyo ka dalbadaan Moscow.
Madaxweyne Putin ayaa dunida ka badbaadiyay dagaal sadexaad oo dhawaan ka qarxi gaadhay, ka dib markii uu ku guntaday in Maraykanku duulaan ku qaado dalka Suuriya, sidoo kale waxa uu Ruushku Bilaabay in Ciidamo, wata maraakiibta dagaalka iyo gantaalaha Nukliyeerka u kala diro dhamaan xeebaha iyo badaha dunida, taas oo noqonaysa markii ugu horaysayee uu dalkaasi boodhka iska jafo muddo labaatan sanadood gaadhaysa.
Putin waxa uu ku kasbaday dagaalkaas uu ka badbaadiyay dunida amaan iyo abaal marino kala duwan, waxaana xitaa warbaahinta reer galbeedku u aqoonsatay shakhsiyada sanadka 2013-ka, waxa kale oo Ruushku ka odayeeyay, burburinta hubka kimikalka ah ee Suuriya, sidoo kale waxa uu ku albaabay, sheegashadii reer galbeedka ee in Hub kimikal ah ay xukuumada dalka Suuriya u isticmaashay Muwaadiniinteeda.
Dhinaca kale talaabooyinka layaabka noqday ee uu siyaasad ahaan ciyaaray ayaa ah, xiisada ka taagan Suuriya iyo dib ugu soo noqoshadiisa Bariga dhexe, Putin isaga oo ka faa’iidaysanaya halista kooxda Dacish (ISIS), waxa uu faro gelin ciidan oo tayo ahaan aad u saraysa ku galay dalka Suuriya, waxaanu bilaabay duqayn dhinaca cirka ah.
Duqaynta cirka ee ciidamada Ruushka oo reer galbeedku si wayn u mucaarideen, ayaa haddana sida muuqata kasbatay dhinaca dhulka iyo taageerada waddamada carabta, tusaale ahaan dalka Ciraaq oo reer galbeedku dhinac walba ka qabsadeen ayaa si wayn ugu riyaaqay, waxa kale oo guulaystay oo dib u soo noolaaday maamulkii Madaxweyne Asad ee reer galbeedka iyo taageerayaashiisu u haysteen mid burburay.
Talaabooyinkaas oo dhami waxa ay sababeen in Awooda milatari iyo ta dhaqaale ee Ruushku xoog kor ugu kacdo, taas oo gaadhay in markii ugu horaysay iibka hubka Ruushku dhaafo ka Maraykanka oo kontonkii sanadood ee ugu danbeeyay dunida haystay.
Sidoo kale waxa uu ka dabaashay cuno qabatayntii iyo go’doomintii reer Galbeedku saareen iyo cadaadisyadii kale ee tirada badnaa, wallow dhibaatooyin badan oo gudaha dalkaasi jirto, haddana Ruushku wakhtigan uma nugla sidii uu labaatan sanadood ka hor ahaa.
Arrimaha kale ee xiisaha leh ee Ruusku ku talaabsaday bilihii u danbeeyay waxa ka mid ah, in uu deg deg uga jawaabay, baahida qamadiga ee dalka Masar soo food saartay una diray qamadi badan oo caawimo ah, isla markaana u furay suuqyada midhaha si wixii ay Masar u baahan tahay ay u hesho, talaabadan ayaa ku soo beegantay wakhti dawlada Maraykanku ku dhawaaqday cuno qabatayn ka dhan ah maamulka milatariga Masar.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.