Berbera, Somaliland, December 21, 2015 (Saxafi) – Taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil gashaanle Xasan Maxamed Ibraahim ayaa ka warbixiyay kabtan masuul ka ahaa Markab la yidhaahdo Musii oo u dhashay dalka Romania ee bariga qarada Yurub oo meydkiisu in ka badan laba bilood uu yaalo qolka meydka ee dhakhtarka magalada Berbera.
Taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil gashaanle Xassan Maxamed Ibraahim oo maalintii shalay warbaahinta kula hadlayay magaaladda Berbera ayaa sharaxay Meydka kabtaankaasi, waxaana uu tilmaamay in uu u yaalo dhakhtarka Berbera baasaaboorkiisii oo dhacay, islamarkaana dib loo soo cusboonaysiinayo iyadoo loo diray dalka uu u dhashay ee Romania, waxana uu hadalka taliyahaasi u dhignaa sidan:“Sababta uu u yaalaa waxa weeye oo la doonayaa in basaaboorkiisii hore oo ahaa mid loo sameeyay qof nool, hadda waxaa loo baahday maadaama uu Meyd yahay in loo sameeyo baasaaboorkii Dhimashada, (Warqada Dhimashada). Sidaa darteed, waxaa dalka Romania loogu doonay si basaaboor cusub dib loogu soo sameeyo, hawshiisana waa lagu maqan yahay. Toddobaadka soo socdana ehelkii ama dadkii qaadi lahaa ayaa dalka imanaya iyagoo sida naxashkii lagu qaadi lahaa Meydka oo diyaar ah, waxana magaca ninka Romania-ka ah la yidhaa Koukaniis Ndaning. ”
Mar taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil su’aal laga waydiiyay kabtankan Markabka uu watay magaciisa iyo waxa uu siday ayaa waxa uu sheegay taliyuhu in Markabka magaciisu uu ahaa Muxsim, isla markaana ay wakiil u tahay shirkada Oomar, “Markabka magaciisa waxa la yidhaa Muxsim waxana wakiil ka ahaa shirkadda Oomaar, waxana Meydka sida ugu dhakhsaha badan loogu qaadi doonaa Meydka kabtanka Markabkaas dalkii uu u dhashay ee Romania”
Waxa kaloo uu sheegay taliyuhu in aanu sheegi karin asbaabta uu u dhintay kabtanka Markabkaasi, “Sababta uu u dhintay lama garan karo ama lama sheegi karro, laakiin, wuxuu ahaa nin saarnaa Markab uu kabtan ka ahaa muddo wuxuuna diiday fasaxaadi markii ay u tageen maamulka dekaddu. Nin yara xanuunsanaya inuu ahaa oo uu Dubia ka soo iisbadday daawooyina waa la sheegay, qolkiisii ayuu isku xidhay, markii uu furri waayay habeenkii labaad ayaa qolkiisii la jabiyay waxaana loogu tagay isaga oo meyd ah. ”
Ugu dambaynti taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil Xassan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Saaxil ay ka war hayeen Meydka kabtanka iyaddoo hawshiisu intaaba ay socotay si loogu qaado dalkiisa uu u dhashay. Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil gaar ahaan magalada Berbera ayaa ku war helay Meydka Kabtankan markii dhakhtarka la geeyey Meydka taliyihi ciidanka birmadka ee toddobadkii hore lagu dilay magaalada Berbera. Laakiin, waxaana uu sheegay sarkaalkani inay ka war hayeen.