WorldRemitAds
War rasmi ah oo ka soo baxay Dawladda Sweden ayaa lagu cadeeyay, in dhamaan xubnihii kooxda muusigooda laga daba dhacay ee Viola Beach Band, ay ku dhinteen shil gaadhi oo ay ku galeen, duleedka caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Sida dawlada Sweden ay shaacisay, waxa shilka gaadhi ee kooxdaasi galaaftay ku dhintay, afartii fanaan ee kooxdaas iyo guddoomiyahoodi, kuwaas oo dhamaantood wada ahaa dhalinyaro rag ah oo 20-jir ilaa sadex iyo sodon jir da’doodu u dhaxayso.
Kooxda Viola Beach Band oo lagu waday inay bandhig muusig ku qabtaan dalka Sweden ayaa gaadhigoodi kala dhacay, Biriishka dherarkiisu yahay 82ft, kaas oo ku yaala degaanka Sodertalje, ee konfurta caasimadda Sweden ee Stockholm.
Xubnaha kooxda Viola Beach Band, ee shilka gaadhi ku wada dhintay, waxa magacyadoodu kala ahaayeen, Kris Leonard, River Reeves, Tomas Lowe, Jack Dakin iyo Guddoomiyihii kooxdaas Craig Tarry, kuwaas oo labaatan jir ilaa sadex iyo sodon jir da’doodu kala ahayd.
Viola Beach BandKooxdan oo caan ku ahayd muusiga Rock-ga ee qoobka ciyaarka ayaa aad looga jeclaa inta badan waddamada reer galbeedka iyo bariga qaarada Eeshiya iyo meelo badan oo dunida ka mid ah, tan iyo intii ay soo shaac baxdayna waxay ahaayeen kuwo taageeradoodu si wayn isu soo tarayso.
Markii la shaaciyay shilka gaadhi ee kooxda Viola Beach Band, ku wada dhinteen ayaa waxa goobtii uu shilku ka dhacay ku soo ururay warfidiyeeno iyo kumanaan taageerayaashooda ah, kuwaas oo jawi baroor diiq ahi u bilaabmay.
Kooxda Viola Beach ayaa dalka Sweden u tagay ka qayb galka bandhig muusig oo lagu qabanayay magaalada Norrkoping, ee dalka Sweden, laakiin muu noqon safarkoodaasi mid ay dhamaystaan oo waxa ka soo gaadhay dhimashadii.
Dawlada Ingiriiska ayaa bayaan ka soo saartay dhimashada kooxda dalkooda ee shilka gaadhi ugu dhintay dalka Sweden, waxaanay dawlada Ingiriisku sheegtay inay dawlada Sweden ka wada hadlkeen sidii ay wada jir u wada baadhaan sababtii shilkaa galaftay noloshii kooxdaas ay u sameeyaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.