WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, July 24, 2018 (Saxafi) – Dawladda Somalia ayaa shaqadda ka eriday ku dhawaad 100 sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee [NISA]. Ka dib shaki dhinaca amaanka ah.

Saraakiishan ayaa u badan kuwa dhawaan tababar loosoo xidhay, islamarkaana kasoo qalin-jabiyay Dugsiga Tababarka ee Nuur Shibo, oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

SomlegalAds

Sababta loo eryay saraakiisha tirada badan, ayaa waxay wararka qaar ku xidhiidhiyeen in loo waayay qalab ciidan oo ay ku howlgalaan, oo uu ugu horeeyaan Qoryuhu.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ceydhinta saraakiishaan oo dhacday shalay oo Isniin ah ay sababtay in Ciidamada ay ku hor-banaan baxaan afaafka Aqalka Madaxtooyadda Soomaaliya, iyagoo codsanaya in shaqadda lagu soo celiyo. “Waxaa tababar qaadanaynay muddo, Markii aan dhameysanay, waxaa noola sheegay in qalabkeena nala siin doono. Laakiin, mas’uul ayaa noo yimid, oo nagu wargeliyay inaan guryahayaga iska tagno,” ayuu yidhi mid kamid ah saraakiisha.

Talaabadan ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Jahwareer uu ka taagan yahay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Somalia, taasoo ka dambeysay markii la jabsaday Xafiiska ku xigeenka Agaasimaha guud ee NISA.

Wararka ayaa sheegaya in la la’yahay Dukumiintiyo muhiim ah, islamarkaana ku jiray gudaha Xafiiska la jabsaday, inkastoo aanan si dhab ah loo ogayn cidda ka dambeysa amarka lagu weeraray xafiiska iyo waxa ay yihiin Waraaqadaha maqan. Iyaddoo la eriyay labaddii ku xigeen ee hay’adaasi, islamarkaana madaxweynaha dawladda itaalka daran ee Somalia dhowrkii habeen ee laga soo gudbay u hayanayay xero ciidan isaga oo aamini waayay madaxtooyadda. “Waxaan u haysanay in NISA ay tahay Hay’adda ugu wanaagsan dalka, laakiin waxaa noo cadaatay inay tahay midda ugu musuq-maasuqa badan,” mid kamid ah saraakiisha shalay ku hor-banaan baxday Villa Soomaaliya ayaa sidaas u sheegay warbaahinta.

Talaabadda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xaaladda amaan ee magaaladda Muqdisho ay hadda tahay mid aan cago badan ku taagneyn, isla markaana ay dhacayaan falal qaraxyo ah oo soo noqnoqday. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in xilka laga qaado raysal-wasaaraha Xasan Cali Khayre oo ay isku dhaceen Farmaajo. Laakiin, warkaasi weli si cad uma soo wadda bixin.

Maalin ka hor ayey markii Madaxweynaha Somalia Farmaajo la sheegay inuu cabsi darteed uga qaxay aqalka Madaxtooyadda ee Villa Somalia, isla markaana uu hoy ka dhigtay Xerro Ciidan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.