WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 13, 2016 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshadda oo kulan saacado badan qaatay wada yeeshay, kuwaas oo isla eegayey mashruuc uu Baanka Aduunku maalgalinayo oo ah sida loo maamulo qashinka iyo dhismayaasha goobaha qashinka lagu ururiyo.

Mashruucan Baanka Aduunku maalgalinayo oo qandaraaskeedda heshay shirkadda IP-Global ayaa xafiiska Maayarka ku soo bandhigtay daraasaddii ay soo ururiyeen iyo qaabka shaqadaasi loo bilaabi lahaa si wajigii labaaad loo hirgaliyo.

Shirkan oo markii uu dhamaaday  Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko warbaahinta uga xog waramay ayaa sheegay in shirkani lagaga doodayey qaabkii loo maamulayey  qashinka iyo dhismayaasha ceelasha qashinka lagu shubo, waxaanay iskugu jireen shirkaddo iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada, gaar ahaan qaabka qashinka loo maamulo.

SomlegalAds

http://www.youtube.com/watch?v=j49cC-Y4mco

Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya mashruucan uu Baanka aduunku maalgalinayo iyo shirkadda kuguulaystay qandaraaska mashruucan, ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “shirkani waxa lagaga hadlayey mashruuca baanka aduunku maalgalinayo, oo ah maamuladda qashinka iyo ceelasha qashinka, mashruucaasi oo qaybtii koowaad la siiyey qandaraaskeedda  shirkadda  IP Global  oo soo samaysay daraasadii u horeysay oo aanu dib iskula eegayno, halkana waxa ka soo qaybgallay UNOPS, IP Global,  PIU oo kooxdii cusbaa ee la qaatay ah,agaasimihii arrimaha bulshada oo ah qaybta ay khuseyso, Injineerkii iyo Aniga ayaanu ahayn, taas ayaanu ka wada hadlaynay si loogu gudbo qaybtii labaad oo ah sidii Design loogu samayn lahaa, ka dibna insha ala mashruucii weynaa uu bilaabo 2017-ka” .

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko ayaa dadaal ugu jira sidii caasimadda bilicdeedda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana uga mid noqon lahayd caasimadaha aduunka, waxaanu mashruucan qashinka lagu maamulayaa fududeyn doonta in magaaladda qashin laga waayo, maadaama oo qashinka si fududu look ala saari doonno, isla markaana laga dhigi doono qaybo hawlo kale loo adeegsado, iyadoo si casriya looga faa’iidaysan doonno qashinka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.