WorldRemitAds

Buuhoodle, Somaliland, December 20,2016 (Saxafi) – Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey degmadda Buuhoodle ee Somaliland, isla markaana kulamo la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in booqashadani la xidhiidho u kuurgalidda xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanka, isla markaana uu taakulayn doono dad iyo duunyo ku tabaalaysan deegaanka.

Cabdi Maxamed Cumar ayaa intii uu deegaanka ku sugnaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha gobolka Buuhoodle, waxaana kulamadaasi hogaaminayey Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo waxgaradka deegaanka.

SomlegalAds

abdi-maxamed-cumar-oo-la-kulmay-dadka-reer-buuhood-copyMadaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in deegaanka u yimid inuu taakuleeyo dadka abaaruhu saameeyeen, isla markaana raashin iyo wixii uu heli karo gaadhsiinayo, haseyeeshee qorshaha kuma jirin inuu gaar gaar ula kulmo bulshadda degmadda Buuhoodle.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee masuul ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya uu gobolka Togdheer ku yimaaddo, isla markaana uu kulamo kula yeesho dadka iyo waxgaradka degmadda Buuhoodle, waxaanay arrintaasi dadka qaar ku tilmaameen mid ka baxsan nidaamka dublamaasiyadda iyo faragelin arrimaha gudaha ah maadaama aanay wehelin masuuliyiin ka socda dawladda Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.