WorldRemitAds

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo tilmaamay sababaha uu ku doortay KULMIYE

Hargeysa, Somaliland, December 20, 2016 (Saxafi) – Shirweynihii garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE oo muddo laba maalmood ah ka socday Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay la soo gunnaanaday, kaas oo muddo laba maalmood ah socday.

Munaasibaddii xidhitaanka shirweynahaas ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga, ergooyin ka socday gobollada iyo degmooyinka dalka, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka tirsan xisbiga KULMIYE.

SomlegalAds

Shirweynahan oo intii uu socday lagu soo bandhigay falanqayn iyo doodo ku saabsan siyaasadda xisbiga ee da’yarta, hiigsiga iyo dariiqyada horumarka ee dhallinyarada iyo weliba qorshayaasha mustaqbalka guud ahaan Somaliland ee KULMIYE bartilmaameedsanayo, kuwaas oo si wayn ay uga qaybqaateen masuuliyiinta, aqoonyahanka iyo ka qaybgalayaashuba.

Aqoonyahanno uu ka mid yahay Maxamed Cali Bile oo isagu caan ku ah guubaabinta dhallinyarada iyo bixinta duruus qiimo badan oo da’yarta muhiim ah, ayaa shirka ku soo bandhigay mowduuqyo si cilmiyeysan ay ugu falanqeeyeen doorka dhallinyarada ka qaadato horumarinta iyo jihaynta ummaddaha iyo sida ay muhiimka u tahay inay qayb ka noqdaan go’aamada masiiriga ee dalka lagu maamulo.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo dhawaan ku soo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa sharraxay asbaabta ku kalliftay inuu ku biro xisbal-xaakimka KULMIYE, waxa uu yidhi, “Anigu KULMIYE waxaan kudoortay waxa uu ku taagan yahay sees adag iyo shub adag oo markii hore aasaaskiisa loo dhigay, sababta labaad ee aan ku doortayna waa halka maanta  aynu ku jirno si aynu uga baxno waxa aynu u baahanahay hoggaamin adag, KULMIYE-na hoggaamin ayaa hor socota oo gacanta ku haysa.”

Aqoonyahan Cali Maxamed Cali oo ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna si qoto dheer u sharraxay sida ay dhallinyaradu hormood ugu noqon karto isbeddel mug leh oo dalka ka dhaca, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay horseedi karaan gaadhitaanka himilooyin qaranka gaadhsiin kara  barwaaqo.

dsc_7913Xidhitaanka shirweynaha, ayaa laga jeediyey khudbado dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan dhallinyarada iyo dhiirrigelinta ay xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE da’yarta la garab gashay, waxaanna Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka cusub ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble ay dhallinyarada kula dardaarmeen inay horumarka dalka u midoobaan, dhinacna iska dhigaan danaha gaarka ah, si loo gaadho  danta guud ee la wada leeyahay.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo xidhitaanka shirka garabka dhallinyarada ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay soo mareen dhallinyarada reer Somaliland iyo weliba sidii loo dhisay fikirkooda, waana uu tilmaamay in hoggaanka KULMIYE yihiin  kuwii dejiyey afkaarta uu ku duulo xisbigu iyo weliba kuwa qaranku ku taagan yahay, waxana hadalladiisii kamid ahaa, “Waxaan ka mid ahay dhallinyaro 1991-kii ilaa iyo 2010-kii oo wacyigu sidan ka duwanaa, idinkuna aad ahaydeen carruur dhallinyaradii kobacday ee ay gacanta qabteen hoggaanka xisbiga KULMIYE ee uu kamid yahay Md. Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka maanta xisbiga iyo xukuumaddaba hoggaaminayaana waa raggii lahaa fikirka uu qaranka Somaliland ku dhisan yahay lahaa, waana ka uu ku dhisan yahay xisbiga KULMIYE, waana fikirka lagu dhisay dhallinyaro laba fac ahayd oo idinka horreeyey.”

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo gunaanadka shirkan ka hadlay, ayaa dhallinyarada kulla ballamay sidii ummadda loo midayn lahaa, isla markaana meesha looga saari lahaa kala qoqobnaanta iyo qabyaalladda.

“Waxa inoo ballan ah inaynu dalkeena midayno oo aynu hoos u dhigno kala qoqobnaanta, kala shakiga, qaybaaladda iyo gobolaysiga oo aynu u ku wada dhaadanno Somaliland, waxa kale oo iga dardaaran ah inay dhallinyaradu maskaxdooda geliyaan oo ku hammiyaan sidii ay u noqon lahaayeen hal-abuur shaqo, mid siyaasadeed iyo mid horumarineed iyo weliba wixii lamid ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirweynahan soo xidhay, ayaa si weyn u hambalyeeyey dhallinyarada soo qabanqaabisay iyo ergooyinka ka qaybgalayaba shirweynahan, waxaannu uu kula dardaarmay dhallinyarada in muhiimad gaar ah la siiyo wax wada-lahaanshaha iyo midnimada, waxaannu yidhi, “Waxa inoo ballan ah inaynu dad iyo dal mid ah dhisno oo aynu himiladeena aynu hiigsanayno  wada gaadhno oo aynu noqono dad u wada heegan sidii uu qarankani halka uu doonayo u gaadhi lahaa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Dhallinyarada KULMIYE Md. Cabdirashiid Muuse Abyan, ayaa u mahadnaqay dhallinyaradii shirkaas ka qaybgashay, waxaanay xuseen inuu xisbiga KULMIYE sii wadi doono kor-u-qaadista iyo tayeynta da’yarta reer Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.