WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 20, 2016 (Saxafi) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Prof: Axmed Maxmed Indho Case, ayaa sheegay in wasiirkii wasaaradiisu uu dhigiisa dawladda Masar kala saxeexdeen heshiish ganacsi oo ka dhexeyn doonna Somaliland iyo Masar.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku waxa uu xisbiyadda mucaaradka usoo jeediyey la isgarab yaacin ee loo daba fadhiisto xukuumadda oo awood shacab u leh inay hawlaha dibadda iyo la macaamiilka caalamka shaqo ku leh.

Ugu horeyn wasiir ku xigeenka wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Indho case ayaa ka warbixiyey safar shaqo oo uu wasiirka Ganacsigu ku joogo Masar iyo heshiishka ay kala qorteen, waxaaanu yidhi“markii Sucuudigu joojisay xoolaheeni waxay wasaaradda ganacsigu qaaday talaabo si xoolaheena suuqyo kale u helaan,wasiirku wuxu jooga Qaahira, waxaanu la kulmay  wasiirkeennii iyo wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga Masar, waxa laga wada hadlayey qodobo muhiim ah in iskaashi ganacsi la wada yeesho, in carwooyin waaweyn laga furo Hargeysa iyo Masar, oo la isku dhaafsado wixii xageena yaala iyo wixii xagooga yaalla si loo kala faa’iidaysto, waxaana halkaasi ka cad in aanay dawladdu ka gaabinin in aanu la dareen qabno shacabkayaga oo aanu ku gudda jirno in aanu suuq u helno xoolaheenna, dalalka kalena wufuud baa jira gaalaa baxaya oo xukuumaddu dirtay, waana lagu gudda jira in xoolahaasi sucuudigu furaan oo muddo dheer qaadan mayso, waad ogaydeen safaraddii xooga weynaa ee madaxweynuhu ku soo marayey deegaankii abaaruhu ku jireen ”

SomlegalAds

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku waxa uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee ka soo laabtay dalka Kenya u sheegay in aanay fiicnayn in la is garab yaaco maadaama oo nidaam iyo kala dambeyni jirto dalka ku jirto, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaan maqlayey qolo mucaarad ah oo lahaa waxbaanu beesha caalamka ka soo dhamaynay, waxa fiicnaan lahaa in aan la is garab yaacin ee loo daba fadhiisto xukuumaddii hawshaasi loo xil saaray, shacabkuna wuxuu u codeeyey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inay masuul uga tahay shacabka hawlaha dibada iyo gudahaba, beesha caalamkuna waxa uu la soo xidhiidhaa waa wasaaradda Arrimaha dibadda, wasiirkii Ganacsiga iyo maalgashiga waydinkaa arkaya inuu Masar joogo, wax ay xukuumaddu shacabkeedda kala hadlaysaa ma jirto, waxa aanu ku tallo jirnaa in aanu suuqyo u helno milixda, beeyadda iyo waxyaalaha wadanka ka soo baxa.”

Sidoo kale, waxa uu wasiir ku xigeeenka Ganacsiga sheegay in Sucuudiga loo gudbiyey in waxaa xoolaha Soomaalidda lagu eedeeyey aanay waxba  ka jirin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.