Xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ayaa maraysa meel xun oo aanay weli isla gaadhin xukuumadihii ka horreeyey iyo xisbiyadii mucaaradka ee ka horreeyay doorashooyinkii madaxtooyada dalka ee sannaadkii hore kursiga dalka ugu sarreya geysay Muuse Biixi Cabdi.
Markaad eegto ama dhegeysato hadalada ka soo baxayey Xisbiyada Mucaaradka ah, Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye waxay cid kasta oo jecel inuu dalkani gaadho horumar dhinacyo badan leh, caalamkana ka kasbado ictiraaf ka niyad jabaysaa rajadii uu ka qabay arrimahaasi marka la eego sida loo kala fogaaday iyo sida aanay u jirin cid kale oo dhexdhexaad ah oo wax ka qaban karta marxaladdan.
Xisbiga mucaaradka uu weyn ee Waddani Mucaaradka madaxdooda ayaa tan iyo markii uu xisbul xaakimka wakhtigani xilka dalka la wareegay aan ka tanaasulin sheegashoodii ahayd in doorashooyinkii dalka ka dhacay ahayd mid xaaraan ah balse aqbalay natiijadii dembigii waagaaana dusha ka saaray komishanka qaranka ee wakhtigan oo ay ku celceliyeen inay meesha ka baxaan haddii la doonayo inay dalka doorashooyin is huwani ka dhacaan sannadka dambe halka Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo dawladiisu weli la soo taaganyihiinin in NEC ama komishanka doorashooyinka xubnihiisu yihiin lama taabtaan
Labadii maalmood ee u dambaysay ayaa dhinacyadda isku haya siyaasadda dalku midba soo saarayey go’aammo khatar ku ah nabadda iyo doorashooyinka, iyadoo xisbiyada mucaaradku ku baaqeen in shir qaran la isugu yimaaddo hadii doorashadu dhici weydo. Xukuumadda iyo xisbgeeda oo iyagu mar walba sheega in doorashooyinku qabsoomi doonaan, komishankuna fadhyi doono ayaa cid kastaa garan kartaa meesha wax marayaan.
In kastoo wakhti dhaweyd labada dhinac isku soo dhawaadeen markii ay kulammo gaar ah ku yeesheen Madaxtooyada, balse waxay arrimuhu faraha ka sii baxeen markii uu dhawaanta Madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqay inaanu sharci u haysan sidii komishanka loo kala diri lahaa eedda doorashooyinkana uu dusha u saaray xisbiyada mucaaradka ah.
Nasiib darada siyaasadeed ee taalla wakhtigan ayaa ah inaan labada dhinac midkoodna ka tanaasulin mawqifkoodii, iyadoo aad mooddaba in Madaxweyne Muuse Biixi aanu muujinayn dabacsanaan siyaasadeed iyo tanaasul wax lagaga beddelo komishanka doorashooyinka laguna kordhiyo laba xubnood oo mucaaradku soo xushaan, taana waxa ka sii darran iyadoo Madaxweyne Muuse Biixi, iyo madaxda ugu sarreysa xisbiyada siyaasaddu kasoo wada jeedaan beelaha dhexe ee dalka, beelaha darifyaduna debedda ka joogaan loona baahnaa in cid kale oo awood ku leh siyaasadda dalku ku kala dhex jirto.
Labada dhinac ee isku haya siyaasadda dalka ayaad mooddaa in kii la yimaadda tanaasul isku arko in laga adkaaday una debcay dhinaca kale, meeshana ay ka maqan tahay in dalka iyo dadkaba loo tudho mid kastaana la yimaaddo tanaasul. Haddii aad aragto arrin dhammaan weyday ama waxbaa lagu darayaa ama waxbaa laga dhimayaa, hadii si kale loo dhigana labadaa dhinac midbaan daacad ka ahayn in dalka doorashooyin ka dhacaan, rabana in fawdo siyaasadeed dalka laga abuuro, waxayna reer Somaliland weligoodba xusuusnaayeen in cid kasta ama xisbi kasta oo dalkan xukumaa la iman jiray tanaasulka, xisbul xaakimka iyo dawladiisa wakhtiganina arrintoodu noqotay wax iska caabin iyo qalafsanaan.
Ugu dambayntiina hadii dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasadda dalku la yimaaddo tanaasul horseedi kara in dallkan doorashooyin ka dhacaan, caalamka, dalalka saaxiibka iyo dadweynahana laga saaro walaaca, waxa u dhinacaasi loo aqoonsan karaa kan guuleystay, ee siyaasad ahaan jabiyey kan u tanaasuli waayey danta dalka, waxanse eegi doonaan cidda la timaadda tanaasul hadiise sidan lagu sii jiro waxay doorashada Somaliland la mid noqon doontaa tan Soomaaliya ee mugdiga badani hadheeyey, lana arki doonee cidda ay dan u tahay isqabqabsigan siyaasadeed iyo cidda ay u darantahay bilaha dambe.
Faallo – Maxamed Cumar Sheekh
Follow us on our Facebook page Saxafimedia