WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, May 28, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ahaan jiray aggaasimaha xarunta dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Baashe Yuusuf Axmed oo ahaan jiray aggaasimaha xarunta dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland

Madaxweynaha Villa Somalia ayaa war uu soo saaray ku sheegay in isaga oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xidhiidha in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, uu go’aansaday in dib u habeyn lagu sameeyo hay’adaha garsoorka.”Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu ka soo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yidhi Madaxweynaha Villa Somalia.

SomlegalAds

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Ku meel Gaadhka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka Somalia.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa la sheegay inuu aqoon u leeyahay dhanka sharciga ah, waxa uuna hore u soo noqday qareen, cilmi-baadhe sharci iyo la taliye sharci. Xisbiga Waddani ayaan isagu ka hadal magacaabistan aggaasimahoodii hore.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu u soo qabtay qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.