WorldRemitAds

Saddex Cali [Xoor-Xoor, Sandule Iyo Warrancadde] Oo Seeftu Qaadatay + Shaqale Iyo Taani Oo Mar Kale Laysku Bedelay Iyo Faratoon Xil Shillis Loo Dhiibay

Hargeysa, Somaliland, August 15, 2016, (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay rumeeyay isku shaandhayn maalmahanba la filayay oo warkeeddu hore suuqa u soo galay in lagu sameynayo Xukuumadda.

Isku shaandheyntan oo rag badan hawada ka saartay, kuwo badan oo cusubna soo kordhisay ayaa u dhignayd sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4161/082016 uu caawa magacaabid, isku bedel, iyo Xilka ka qaadis ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa.

SomlegalAds

Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaraddaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In

  1. In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Cumar Shucayb Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)
  3. In Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)
  4. In Mudane, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)
  5. In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  6. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  7. In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  8. In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

(Bedel)

  1. In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  2. In Mudane, Maxamuud Jaamac Aadan Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel)
  3. In Mudane, Cismaan Xasan Aw Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (bedel)

12.In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

  1. In Mudane, Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)
  2. In Mudane, Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)
  3. In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)

 AGAASIMYEYAASHA GUUD QAAR KA MID AH

 Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 1,In Mudane, Fu’aad Cabdi Salaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2,In Mudane, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3 In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4, In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5, In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6, In Mudane, Xasan Nuur Abokor (Xasan Jebiye), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 HAY’ADAHA DAWLADA

 Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 48aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka;

Markuu Aqoonsaday: Baahida loo qabo buuxinta jagada Garyaqaanka Guud ee Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1,In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda manta uu ahaado Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2, In Mudane, Shariif Abokor X. Maxamed (Dhuux-yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3, In Mudane, Sharmaarke Muxumed Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4,In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5,In Mudane, Cabdi Cabdillaahi Xasan Mataan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland

6,In Mudane, Abiib Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xog-hayaha Guud ee Guddida La Dagaalanka AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 TALIYEYAASHA CIIDAMADA KALA DUWAN QAAR KA MIDA

 Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Qaranku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Taliyeyaasha Ciidamada, Ilaalada Xeebaha, Laanta Socdaalka, Ciidanka Qaranka, iyo Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu Arkay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday;

 1, In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2,In Sarreeye Guuto, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3,In Sarreeye Guuto, Maxamed Cisamaan Caalin (Dayib), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore waxa u magacaabi jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, hada wixii ka dambeeya waxa soo magacaabaya Madaxweynaha)

4, In Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Gudoomiyeyaasha Gobolada Qaarka mida

 Madaxweynuhu:

 Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolka Maroodijeex, Sool iyo Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1, In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2, In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3, In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA QAAR KA MID AH

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1, In Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga. (Hore Afhayeenka Madaxtooyada)

2, In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali X. Jeeniyare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Bariga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Gudoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex)

3, In Mudane, Aadan Nugaal X. Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.

MAGACAABIDA DANJIREYAAL CUSUB

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Australia;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1, In Mudane, Cali Maxamed Warancadde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia.

2, In Mudane, Maxamed Ismaaciil Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Australia.

3, In Mudane Aadan Muuse Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika

 MAGACAABIDA AFHAYEENKA MADAXTOOYADA JSL

 Madaxweynuhu:

 Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Af-hayeenka Madaxtooyadu u leeyahay Madaxtooyada Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la buuxiyo jagada Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

 In Mudane, Xuseen Aaden Cige (Deyr), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Af-hayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Wasiirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga)

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

1, Ku: Mudane, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

2, Ku: Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

3, Ku: Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle), Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

4, Ku: Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), Maareeyihii Hore ee Dekedda Berbera

Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

5, Ku: Mudane, Cumar Abokor Jaamac,  Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Dekedda Berbera

Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

6, Ku: Mudane, Maxamed Cabdi Bullaale, Agaasimihii Guud ee Hore ee Guddida Qandaraasyada Qaranka

Og: Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka

7, Ku: Mudane, Jaamac Maxamed Odowaa, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Mudaneyaal,

Waxaan aad idinka mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Masuuliyiinta aan xilalkaa u soo magacaabay, idinkoo mahadsan.

Si kasta ha ahaatee, isku shaandheyntan oo ahayd mid ballaadhan, ayaa kuwii ka horeeyay kaga duwanayd, in ka hor intii aanay Madaxtooyadda si rasmi ah uga soo bixin ee aanay warbaahinta soo gaadhin, waxay si weyn u soo dhex xushay bulshada, iyadoo ilaa caweysinkii hore ee xalay suuqyada lagu hadal-hayey magacyada liiska ku jira iyo kuwa xilka waayey, kuwaas oo intooda badani sidii warka suuqa lagu sii hayey si la mid ah uga soo baxday war-saxaafadeeedka lagu baahiyay isku shaandhaynta Madaxweynuhu sameeyay, taas oo la macno ah in xogtu Madaxtooyadda ka soo baxday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.