WorldRemitAds
Washington, USA, Febraury 25, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Maraykanka Barack H. Obama ayaa soo jeediyay salaadadii la soo dhaafay Qorshe Xukuumadiisu ay ku damacsan tahay in la xidho Xabsiga Guantanamo Bay, Arrintaasoo qayb ka ahayd waxyaabihii uu ballan qaaday intii uu ku jiray tartankii doorashadiisa.

Obama ayaa damacsan inuu arko xabsigaas oo albaabada loo xidhay ka hor inta aanu jagada madaxweynenimada banayn sanadka soo socda. Asagoo ku tilmaamaya in jeelkaasi yahay uskag ku yaala sifaha Mareykanka oo dhiirigalinaya dadka jihaad doonka ah, waxaana uu yidhi Obama “Dooni maayo inaan dhibaatadan uga tago madaxweynaha i bedelli doona. ” “Sanado badan ayaa waxaa iska caddaa in xabsigaasi ku yaala Guantanamo Bay aanu horumar u keeneyn amnigeena qaran. Hoos ayuu u dhigayaa,” Obama ayaa intaa raaciyay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay qorshe ku kacaya $290, 475 milyan oo lagu geynayo maxaabiista xabsigaa ku hadhay oo tiradoodu tahay 91 dibada iyo mid ka mid ah 13 xabsi oo kuyaala gudaha Maraykanka.
Obama wuxuu isku dayayay muddo sideed sano ah inuu xidho xabsigaas laakiin waxaa arinkaa ka soo horjeedsaday golaha Koongareeska oo gaashaanka u daruuray, Pentagon-ka Mareykanka, qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa iyo dalalka Mareykanka la leh isbaheysiga oo ayagu diiday inay dalalkooda ku hayaan dadka xabsigaas ku xidhan ee looga shakisan yahay falalka argagixisonimada.
Markii uu murashaxa madaxweyne ahaa iyo hada oo madaxweyne uu yahayba, Obama wuxuu aad ugu celceliyay in xadhigga aan maxkamada lahayn ee maxaabiista ku xidhan Guantanamo uu dhib ku yahay sawirka Mareykanka iyo ammaanka Mareykanka ee qaran labadaba.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.