Hargeysa, Somaliland, October 30, 2015,(Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay saqdii dhexe magacaabay kow iyo labaatan Masuul oo u badan Wasiiru dawlayaal.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa xalay lagu sheegay magacaabistan, waxaana uu u dhignaa sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magacabay wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, Wasiiru-dawlayaasha, iyo Wasiir ku xigeenada, Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
- In Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
- In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel)
- In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
- In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
- In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
- In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
- In Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
- In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
- In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
- In Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Eng. Cabdi Maxamed Hiired, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Mudane, Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Magacaabida Agaasimeyaasha Guud
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
- In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel)
- In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Magacaabida La-taliyeyaasha Madaxweynaha
Madaxwyenuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; iyo La-Taliyaha Arrimaha Gobollada Bariga
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinkan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
- In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. (bedel)
- In Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.