WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 4, 2014 (Saxafi)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa shalay ka qayb-gallay laba munaasibadood oo kala duwan oo ka dhacay Hargeysa.

Munaasibadahan ayaa midkood waxaa ay ahayd sanad guuraddii 21-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskiii ciidamadda Booliska Somaliland oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee magaaladda Hargeysa iyo shir lagaga hadlayay isku duwidda mucaawinooyinka oo lagu qabtay Huteel Ambasador ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xuska munaasibadda aasaaska ciidanka Booliska khudbad uu ka jeediyay ku soo qaaday cabashooyin waqtigoodii laga soo gudbay, gaar ahaan darajooyinkii la siiyay ciidamada oo uu sheegay in cabashooyin badani ka soo baxeen, isla markaana ay wax ka qabanayaan. “Ciidamada boolisku waa ciidanka aynu ku fadhino nabad galiyadooda, waana ciidanka ilaaliya nabad galiyada oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal laga hir galin karo, dadku hadaanu nabad galiyo haysan iyo ciidamp boolis ah oo nabad galiyada suga xasili maayo,dagina maayo”ayuu yidhi madaxweyne Siiilaanyo oo khudbad kooban ka jeediyey xuska sanad guuraddi 21aad ee ciidanka Booliska.  “Waxaan Doonayaa inaanu saxno Darajadii Ciidanka la siiyay oo cabashooyin badani ka yimaadeen, waanu sixi doonaa sida ugu dhakhsaha Badan, iyadana wax baanu ka qaban doonaa”ayuu hadalkiisa raaciyey.

SomlegalAds

Dhinaca kale, shirka lagaga hadlayay mucaawinooyinka ayuu ku muujiyay in Somaliland ahaan ay diideen marti qaad uga yimid dhinaca Soomaaliya. Waxaana haddalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Waxaan marti qaad ka helay madaxweynaha Somaliya, kaasoo ah in aan ka soo qayb galo shir nuxurkiisu ku saabsan-yahay dalalka mucaawinadda bixiya iyo isku xidhkooda oo dabayaaqadda bishan qabsoomi doona. Waxaana aan jecelahay in walaalahayaga aanu jaarka nahay shirkoodu nabad ku dhamaado, waxaanan halkan ka shaacinaynaa inaan shirkaasi ku sabsan-yahay arrimaha Somalia oo aanu Somaliland khusayn.

Dalka Somaliland waa dal gaar ah, mana khuseeyo qorshaha dejinta nidaamka federalka ah oo hataan lagaga wada hadlayo shirka ka socda magalada Copenhagen.

Waxaanan waydiisan lahayd dowladdaha caalamka inay taageeraan sidaa dalka Turkiga oo kale,  wada hada-lada u socda Somaliland iyo Somalia.” Sidaas ayuu yidhi waxaana uu soo jeediyay in la taageero natiijadda wadda hadalka iyo in la ilaaliyo. Waxaa kale oo uu sheegay in Somaliland ay ka go’antahay inay dunida kala shaqeyso suggida amniga mandaqada geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu ku celiyay in Xukuumad ahaan ay iska xil-saareen adkaynta nabad-galyadda hirgalinta dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka oo uu ku dooday in dawlad ahaan ay dedaal galinayaan inay qabsoonto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.