WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, November 04, 2014 (Saxafi) – Koox hubaysan ayaa shalay weerartay Macjar lagu xanaanaynayo xoolaha ka dhoofaya dekeda oo dhismihiisu ka socdo magaaladda Berbera.

Wararka aanu ka helay magaaladda Berbera waxaa ay sheegayaan in kooxdani ay taageero ka helayeen Maxjarka Indhadeero, Islamarkaana dagaalkoodu salka ku hayo muran dhul. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ciidamadda amaanku halkaas tageen islamarkaana xidheen saddex nin oo eedaysanayaasha ka mid ah iyo baabuur.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo shaqaaqadan wax laga weydiiyay ayaa isna tilmaamay in arrintani la xidhiidhay khilaaf dhinaca dhulka ah. “Arrintani waxaa ay ka dhacday dhul la isku hayo oo maxkada gaadhay oo la muddeeyay.” Ayuu yidhi guddoomiyaha Saaxil.

SomlegalAds

Guddoomiyaha Maxkamada Berbera Ibraahim Aadan Yaasiin oo isna arrintan wax laga weydiiyay ayaa waxaa uu yidhi. “Arrinka Macjarka cusub ee la aasaasayay iyadoo la waddo aas-aaskiisa ayaa Maxkamaddu joojisay, Isla todobaadkii la joojiyay ayaa qoladii codsiga maxkamada u soo gudbisay ee loo xayiray ay dacwaddii ka noqdeen. Maxkamaduna waajibkeedii ayay ka martay dacwadaas laga noqday”

Maxjarkan ayaa dhismihiisu muddo ka socoday dhinaca Koonfur beri ee Magaaladda Berbera, warku ma sheegin cid wax ku noqotay dhacdadan. Balse,waxaa la wariyay in dhismaha Maxjarka waxyeelo la gaadhsiiyay. Dhinaca kale Ciidamadda Booliska ayaa Xabsiga u taxaabay Wariye Maxamed Cabdilaahi Soo-fadhiiste oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl-gala magaalada Berbera, isagoo xiliga la taxaabay ku sugnaa Maxjarkan dhismihiisa la isku hayo. Dhinacyada arrintan isku haya midkoodna kama hadal arrintan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.