WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 02, 2015, (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xalay soo saaray wareegto rasmi ah oo uu ku magacaabay guddi dib u eegta khilaafka Kulmiye.

Gudida Khilaafka KULMIYESida lagu cadeeyay war saxaafadeed uu ku saxeexnaa af-hayeenka Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa lagu yidhi sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 Xubnaha Gudida:-

SomlegalAds

 Ku: Mudane, Xasan Axmed Aadan,

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

 Ku: Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,

 Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka

 Ku: Mudane, Axmed X. Cali Cadami,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

 Ku: Mudane, Axmed Muxumed Madar,

Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga

Ku: Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC

Og: Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Og: Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa

 Ujeeddo: Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

 Mudanayaal,

 Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin:

 Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.

Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray.

In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.

Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.

Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto.

 Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.

 Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.