WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 26, 2012 (Saxafi) – Saddexdii masuul ee hore loogu eedeeyey inay ku lug lahaayeen raashin la lunsaday ayaa Sabtidii shalay la filayey in la horkeeno maxkamadda gobolka Hargeysa. Hase yeeshee lama keenin, taasina waxay noqonaysaa markii saddexaad ee ay ka baaqsadaan in maxkamadda la horkeenno masuuliyiintaasi.

Habeenimadii ay Axaddu soo gelaysay ayaa la helay war odhanaya subaxnimada ayaa maxaabiista la keenayaa maxkamadda, taasina waxay keentay inay ehliyadda iyo asxaabta saddexda maxbuus ay subaxnimaddii shalay isa soo hor-dhoobaan maxkamadda horteeda si ay ula socdaan dhegaysiga dacwadda lagu oogayo saddexdan masuul.

Lama oga sababta ilaa hadda masuuliyiintaa loo hor-keeni-waayey  maxkamadda, hase yeeshee waxa si weyn loo rumaysan yahay in ka dib markii la waayey cadaymo ka marag-furaya eedaymihii loo jeediyey ay taasi laf-dhuun-gashay ku noqotay xukuumadda. Sidaa darteedna ay taladu noqotay in sil-siladdu ku jabsanaato ilaa inta la isugu hagaajinayo wax lagu xukumo.

SomlegalAds

Saddexdan masuul ee kala ah: Axmed Cilmi Barre (Agaasimihii guud ee dib-udejinta), Axmed Cumar C/laahi (badhasaabkii gobolka Hargeysa) iyo Cismaan Siciid Jaamac (La taliyihii madaxweyne-kuxigeenka) waxay xabsiga ku jireen muddo gaadhaysa 17 habeen, ka dib markii lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin raashin mucaawimo ah oo la lunsadday, iyadoo goor subax ah si qaflad ah loo qabtay, isla markiibana uu madaxweynuhu ku sameeyey xil-qaadis degdeg ah, hase yeeshee inkasta oo ay dadku markii hore ku war-heleen sheekooyinka idaacadaha ka baxaya ee sheegaya inay masuuliyiintaasi raashin lunsadeen, hadana waxa markiiba soo baxay warar iyo macluumaad daah-furaya inaanay masuuliyiintaasi wax lug ku lahayn raashinka la lunsaday ee uu xadhigoodu salka ku hayo mu’aamarad siyaasadeed oo laga soo maleegay dhinaca madaxtooyada. Sababta mu’aamaradda caynkaas ah loogu maleegayna waxay dadka xog-ogaalka u ah arimaha siyaasaddu tilmaameen inay taasi ku timi ugu yaraan laba sababood: Ta koowaad niman ay xurguf siyaasadeed ka dhexaysa oo awood badan ku leh qasriga madaxtooyada ama golaha xukuumadda oo sidaa u yeelay aargoosi siyaasadeed iyo ta labaad oo ah iyadoo ay saddexdaa masuul qallin-daareen barmaamij socday oo lagu meelaysanayo raashin cadadkiisu gaadhayo ilaa boqol-mitir tone oo qiimihiisu ku kacay ilaa toban milyan oo doolar, taas darteed la go’aansaday in iyaga la khaarajiyo inta aanay arimuhu fashilmin maadaama ay nimankaasi heleen raadkii xatooyada, iyadoo ay la aaminsan yahay in hadii ay sheekadu sii socoto uu raadku geli lahaa dad badan.

Inkasta oo uu madaxweyne-kuxigeenku bixiyey amarka degdegga ah ee lagu xidhay saddexdaa masuul, hadana waxa la rumaysan yahay inay sheekada kula jireen wasiirro dhawr ah oo arinta kula jireen wasiirro dhawr ah iyo weliba shakhsiyaad kale oo la rumaysan yahay inay qasriga madaxtooyada dhexdiisa ku leeyihiin awooddo qarsoon oo aan laga daba odhan, wuxuuna madaxweyne-kuxigeenkii bilowgii markii uu arinta xadhiga masuuliyiintan ka hadlayey carabaabay mid ka mid ah dadka ku suntan eedaynta xaqiiqda ka fog ee loo xanbaariyey saddexdan masuul, kaas oo ah wasiir-kuxigeenka waxbarashada Ina Cali Xaamud.

Markii ay soo baxeen wararka iyo macluumaadka sheegaya inay sheekadu ka duwan tahay sidii markii hore wax loo sheegay waxa madaxweyne Axmed-Siilaanyo qasriga madaxtooyada marar badan kula kulmay dad kala duduwan oo isugu jiray kooxo-kooxo iyo shakhsiyaad-ba, waxayna madaxweynaha ka codsadeen in nimankaa masuuliyiinta ah maxkamad cadli ah la soo taago, taasina ay u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan, waxa kale intaa loo raaciyey madaxweynaha oo laga codsaday inay xukuumaddu ka fogaato inay wax fara-gelin ku samayso dacwadda nimankaa lagu oogayo, taasna waxay dhamaan dadka kala duduwan ee madaxweynaha la kulmay dhamaantood sheegeen inuu madaxweynuhu taa aqbalay oo uu ku cel-celiyey inuu dhakhsona maxkamad u horkeenayo, kana fogaanayo wax kasta oo cadaalad-darro ku keeni kara wiilasha xidh-xidhan. Ta kale warar soo noq-noqday oo dhinaca madaxtooyada laga soo xigtay ayaa sheegay inuu madaxweyne Axmed-Siilaanyo marar dhawr ah ragga arintan ku lug leh oo ay ka mid yihiin niman wasiirro ah iyo madaxweyne-kuxigeenka u qadimay badheedhe odhanaya keena wixii aad ku caddaynaysaan eedaha nimankan lagu xidh-xidhay, ilaa haddana wararku ma sheegin in la helay wax lagu caddaynayo eedaaha loo jeediyey nimankaa masuuliyiinta ah. Hase yeeshee taa bedelkeeda waxa si weyn loo rumaysan yahay inay shabeellada Axmed-siilaanyo ka hoos-shaqeeya ay go’an tahay gar iyo gar-darroba in nimankaa xukun ugu dhaco, sidaa darteed-na ay ku hawlan yihiin sidii ay u macmali lahaayeen eedo loo barkiyo xukunkooda. Dabadeedna iyadoo awelba la hayey dareenka caynkaas ah ayaa hadana laba-saddexdii cisho ee u dambeeyey waxa soo baxay warar iyo sheekooyin hor leh oo tilmaamaya inuu xukunkii nimankaasi diyaarsan yahay oo la doonayo in subax keliya si qarsoodi loo keeno maxkamadda, halkaana lagaga dhawaaqo xukunkooda.

Sida ay wararku tibaaxayaan talada iyo istaraatijiyadda madaxtooyada dhex-taal ee ku saabsan xukunka saddexdaa masuul waxa weeye in xukun lagu rido, ka dibna hadhow madaxweynuhu cafis u fidiyo.

Dad badan oo ka faallooda dhacdooyinka siyaasadda iyo axwaasha dawlanimada ayaa tabaha saddexdan masuul loo maleegay ku tilmaamay sheeko cawaaqib xun oo taariikhda gelaysa, waayo lama filayn inay dhici karto in xatooyo la og yahay ciddii samaysay loo xidhi karo, xilkana looga qaadi karo, loona fadeexadin karo cid kale, iyadoo aan wax talaabo ah laga qaadin afartii nin ee raashinka caawimada Berbera kala soo baxay, ka dibna suuqyada Hargeysa iyo Burco ku iibiyey, sababta nimankaa ay dawladdu u xidh-xidhi-waydayna waxay noqotay sheeko jawaab loo la’yahay oo maskaxda dhakafaarisay.

Su’aasha hadaba iswaydiinta lihi waxay tahay guud ahaan dadweynuhu, gaar ahaanna ehliyadda masuuliyiinta xidh-xidhani sidee bay arintaasi ugu muuqataa, muxuuse noqonayaa cawaaqinkeedu ?

“ Horta anigu ilaa hadda ma rumaysni cadaalad darro intaa le’eg baa dhacaysa , laakiin hadii ay arintu u dhacdo sida la sheegayo ee ah xukun qar-qoosh aan ku ridno hadhow-na madaxweynuhu cafis haw fidiyo, taas ayaa nagaga xun shirqoolkii hore ee loo maleegay, mana aha taasi wax aanu sinaba u garawsan karno”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehliyadda masuuliyiinta xidhan. Sidoo kale mid ka mid ah ehliyadda maxaabiista ayaa isagoo dareenkiisa ka muujinaya wararka sheegay in nimankaa xukun lagu ridayo hadhowna madaxweynuhu cafiyo doono wuxuu yidhi “horta  taasi waxay noqonaysaa jariimad aan hore loo arag oo keeni karta cawaaqib xun, madaxweynahana waxaanu leenahay madaxweyne cafis kaama rabno ee cadaalad baanu magan kaaga nahay, wiilashaana waa in dharaar cad oo ay cid waliba arkayso wax lagu cadeeyo ama lagu waayo”.

Marka arinta sheekooyinka iyo wararka arintan la xidhiidha la soo ururiyo waxa la sheegay inay kala duwan yihiin aragtida madaxweynaha laga soo werinayo ee ku saabsan sida dacwaddda saddexda maxbuus loo maamulayo iyo qorshaha ay wataan shabeellada awoodda badan ee madaxweyne Axmed-siilaanyo garbaha ka saarrani, taas oo uu madaxweyne Siilaanyo sida uu u iftiimiyey dadkii faraha badnaa ee uu la kulmay uu danaynayo inay nimankaasi helaan xukun cadli ah, laakiin taa bedelkeeda ay ragga arinta ku hayaa wadaan talo qorshaysan oo isugu jirta xukun iyo cafis madaxweyne.

Hadii ay sheekadu u dhacdo in nimankaa maxaabiista ah la mariyo xukun cadli ah, oo ama wax lagu helo ama lagu waayo dharaar-cad, taasi waxay keeni kartaa waxoogaa bogsiino ah, hadii kale oo ay arintu u dhacdo sida ay maagan yihiin shabeellada awoodda badani waxay dad badani rumaysan yihiin inay taasi keeni karto cawaaqib xun , waayo waxa muuqanaysa in awooddii dawladnimo si sharciga baalmarsan loogu aar-goosanayo oo ay ragga madaxweynaha iyo qoyskiisa ka idaad-haystaa sida ay doonaan ugu tagrifalayaan xukunka iyo awoodda qaranka, taasina waxay dad badan u muujinaysaa bidhaamo siyaasadeed oo halis xanbaarsan. Hase yeeshee maalmaha foodda inagu soo haya ee saaka ka bilaabmaya waxaynu ka dhur-sugi doonaa madaxweyne Axmed-siilaanyo iyo shabeellada garbaha ka saarran, midka ay tooda noqoto.

Fadlan Akhriste ka dhiibo fikirkaaga arrimahan warkani xambaarsan yahay.

3 COMMENTS

  1. Qoralkani maha mid xamabarsan xaqiq. wasiro beesha madaxweyna ah iyo madaxweyne ku xigenka ayad xukun ku riden. sidaad idinku maxkamad tihin. ama ad xaqiqda jirta haysan. Waxan saxafi nimo maha. meel baad uu socotan wana waxa lagu tilmamo XIIN IYO XASARAD.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.