WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Boorama

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaan dhawrkii bilood ee ina soo dhaafay aan lahayn wasiir ah,   hawlaha wasaaraddaasina uu gacanta ku hayo wasiir ku xigeenkeedii.

Afar bilood ku dhawaad oo uu xafiiska wasaaraddaasi ka sii maqan-yahay wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mud. Abgaal, kana mid ahaa afarta wasiir ee saami ahaan reer Awdal u metela Golaha wasiirada xukuumadda Siilaanyo, ayaan sidoo kale wasaaraddasi hawlaheeda wax jabaq ah laga maqal, shakina aanu ku jirin in wax badani qabyo u yihiin wasiirka ay yeelan doonto.

SomlegalAds

Marka dib loo raaco sifihii Madaxweyne Siillaayo xilka uga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Maxamed Abgaal, xil ka qaadistiisiina sabab looga dhigay  ”Amar diiddo”, ayaa ilaa imika dad badani is weydiinayaan sababta wasaaraddaasi loogu magacaabi la’yahay wasiir cusub, maadaama xukuumadaha Somaliland looga bartay in si deg-deg ah loo fuliyo isku beddelka masuulyiinta dawladda.

Jawaabta su’aashaasi iyo kuwa la xidhiidhaaba waxay dood ka dhex dhalisay xukuumadda iyo beelaha deegaanka Boorama ee wasiirkii hore u metelayey Golaha wasiiradda. In kastoo aanay jirin cid ilaa hadda si cad uga hadashay arrintaasi kana tirsan oday dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta wasiirkaasi kasoo jeedo, balse, marka la dhegeysto doodda badi beelaha deegaanka Boorama kaga dareen celinayaan dib u dhacaasi ayaa taasi la gashaa faalooyin run iyo beenba isugu jira. Waa tan koowaade qaybo ka mid ah dadweynaha ayaa dib u dhacaasi ku sifeeyey mid ka dhashay loolanka beelaha deegaanka Boorama dhexdoodu ugu jiraan xilkaasi xukuumadduna kala garan ladahay cidda qaadi karta xilkaasi iyo ciddaan qaadi karin, tan labaad ayaa waxay sababeeyeen in dib u dhacaasi ka yimi fara-gelin kaga timi Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu doonaya in xilkaasi loo magacaabo cid ka soo jeeda jufooyinka beelaha uu suldaanka u ahaa Wabar arrintaasina ay guddoomiyaha kaga wada hadleen Boorama. Waa tan saddexaade madaxweyne ku xigeenka dalka oo ah Siyaasiga kursiga ugu sarreeya gobolka Awdal u haya,  ayaa isna la sheegeyaa inuu kursigaasi u ballanqaaday aqoonyahan ka mid ah kuwa qurbajoogga ah ee reer Awdal haatanna ka hawlgala hay’ad caalamiga ah oo Hargeysa deggen, ninkaas oo ay weliba saaxiib aad isugu dhaw yihiin borofeysarka caanka ah ee reer Soomliland Axmed Ismaaciil Samatar, kana mid ahaa aqoonyahanadii borofeysarka ku dhiirrgeliyey Imaatinkiisa Somaliland balse, soo jeedinta Madaxweyne ku xigeenka madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi ka arrinsanayaan, iyadoo dhinaca kalena la sheegayo in Madaxweyne Siilaanyo dhinaciisa u doonayo inuu xilkaasi u magacaabo cid ay raalli ka wada yihiin beelaha deegaanka Boorama ee ku kala fogaaday dagaalkii lagu jabiyey maleesiyadii Wabar, dibna isugu keeni kara,  iyadoo beelihii xukuumadda kula saftay dagaalkaasina ay dhinacooda ka doonayaan inay xukuumaddu abaal marin uga dhigto masuulkaasi,  xilkaasina u arka mid ay xaq ugu leeyihiin dawladda.

Ugu dambatntiina doodda caynkaas ah ayaa haatan maraysa in Madaxweyne Siilaanyo magacaabista wasiirka reer Boorama kaga maqan xukuumadda la sugayo iskushaandheyn asn la ogeyn wakhtigeeda oo u madaxweynuhu ku sameyn doono golihiisa wasiirada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.