WorldRemitAds

Djibouti, Djibouti  August 2, 2016 (Saxafi) –Wasaaradda Macdanta iyo khayraadka Djibouti ayaa wax ka bedel ku samaysay xeerka macdanta iyo khayraadka Dabiiciga si ay usoo jiitaan maalgalin caalami ah ee shirkadaha Ajanabiga.

Xeerkan wax ka bedelka lagu sameeyey si caalamka ula jaan qaado, ayaa la horgeeyey golaha Wakiiladda Djibouti, waxaana xeerkan cusub lagu kordhin doonaa qaab dhismeedka sahaminta, daraasadda iyo mulkiyadda dhulka, waxa kale oo ku jirta ilaalintaiyo ku dhaqanka sharciga, iyadoo ay dheer tahay ganaax ciddii ka hor timaadda shariciga.

Xeerkan kii ka horeeyay waxa la sameeyey 1994-kii oo ay ansixiyeen golaha Wakiiladda Djibouti, iyadoo muddo dheer aan isbedel lagu samayn xeerkan macdanta iyo khayraadka Dabiicia, waxaana dhowaan kulmay guddi hoosaadka macdanta iyo khayraadka Dabiiciga iyo xukuumadda Djibouti.

SomlegalAds

Mudanayaasha iyo masuuliyiinta xukuumadda ayaa isku afgartay inay sii wadaan wada shaqaynta ka dhexeysa ka hor inta aan kalfadhiga dambe ee golaha Wakiiladda Djibouti si loo sii qiimeeyo xeerarka muhiimka u ah macdanta iyo khayraadka Dabiica ah.

Waxana sidoo kale masuuliyintu ay sheegeen in horumaarinta qaybta macdanta dalka waxa uu la jaanqaadaya ama bar-barsoconaya mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda sida dib u habaynta dekadda Djibouti qaybta khayradaka dalka dibada loo dhoofinayo, dhismaha wadooyin cusub iyo horumarinta laydhka, oo dhamantood dhaqaalaha ay ku kacayso $14 biiliyan oo dollar.

Wakhti xaadirkan faa’idada dhaqaale macdanta dabiiciga ah usoo xeerooda oo u dhigma boqolkiiba %1 ila boqolkiiba %3 inta uu dhaxaysa marka loo eego wax-soo saarka dakhliga dalka Djibouti, sida lagu sheegay warbixin bangiga adduunka iyo bangiga horumaarinta Afrika ugu qoran.

Dedaaladan ay xukuumadda Djibouti ugu jirto kuna horumarineyso maalgashiga macdanta iyo khayradka dabiiciga ah ee deegaanka ay qayb ka yihiin kor u qaadidda lagu balaadhinayo dhaqaalaha iyo horumaarinta maalgashiga dalka, waxana ay hal-bowle uu tahay himilida iyo istraatijiyada horumarinta dhaqaale iyo koritaanka dalka guud ahaan u qoondeeyeen in sanadka 2035 dalka Djibouti uu gadho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.