WorldRemitAds

Gondor, Itoobiya, August 2, 2016 (Saxafi) – Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay maagalada Gondor ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ka mudaharaadayey qomiyada Amxaaro deegaan ay leeyihiin oo la wariyay in la hoos geeyey maamul kale.

Dibad baxayaaashan ayaa la sheegay in iska hor imaad ku dhexmaray booliska, waxaanay wararku sheegayaan in illaa tobaneeyo qof ku dhinteen mudaharaadkaasi ay sameeyeen qoomiyada Axmaaraddu.

Dadkan mudaharaadka iskugu soo baxay ayaa dawladda Itoobiya ka dalbaday in aan la isku keenin dhulal iyo qoomiyado kala duwan, iyadoo dalka Itoobiya qoomiyad waliba maamul gaar ah leedahay, wallow aan warkan si toos ah dawladu u baahinin.

SomlegalAds

Xisbiga EPRDF ee maamulka Itoobiya ayaa markii hora ahaa jabadii xoraysay wadanka Itoobiya, kuwaas oo ay u badan yihiin qabiilkii u badnaa jabhadda ee dalka ka saaray madaxweynihii hore ee dalkaasi Mingistu Xayla Maryam oo dalkaas ka cararay 1991-kii.

Muranka dhulkaa la hoosgeeyay ismaamulka Tigray balse qowmiyada Amxaaro sheeganayso ayaa taagnaa dhowrkii toddobaad ee tagay.

Muran dhulka ku saabsan ayaa sidoo kale horraantii sanadkan ka dhex dhacay dawlada Itoobiya iyo qawmiyada Oromada kadib markii dawladu ku soo ballaadhisay ama ku soo fidisay caasimada Addis gobolka Oromiya qawmiyadaana ay arinkaa diiday kana dhiidhiday.

Tobanaan qof ayaa ku dhintay rabshado dhex maray qawmiyada Oromada iyo biliiska kadib dibad baxyo kuwa hada socda la mid ahaa oo waqtigaa ay dhigtay qawmiyada Oromada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.