WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Laba sano ku dhawaad kaddib mar kasta oo la soo hadalqaado xukuumadda Siilaanyo ayaa dadweynaha Somaliland badankooda waxaa maskaxdooda soo geleysa xukuumad bedeshay   dawladdii adkayd ee UDUB,  siina kordhisay baahida shacbiga, ammandarada, shaqo la’aanta, la dagaalanka saxaafadda, shakina gelisay qarannimadii iyo gooni isu taaggii Somaliland kaddib shirweynihii London  ee lagu casuumay. Sidoo kale ayaa badi dadweynaha Somaliland  waxa maskaxdooda soo geleysa xukuumad ay ka muuqato kala qaybsanaan, qabyaalad, gobolaysi iyo  ku dhaqanka wax kastoo  kursiga ka tuuray xukuumaddii hore sida caddaalad xumada, musuqa iwm.

SomlegalAds

Haddaba, xukuumadda sidaas ah ee ay hadheeyeen  arrimaha aan soo sheegnay  ayaa dhinaca kale ku taamaysa inay sannado kale oo ka dheeraad ah xilka sharciyaddu siisay  dalka sii haysato ee shanta sano ah.

Dadweynaha Somaliland  iyo siyaasiyiin badan ayaa sidoo kale badankoodu aaminsan in xukuumadda Siilaanyo iska tegi doonto marka lagaga adkaado doorashgooyinka soo socda  ee madaxtooyada,isla markaana illawsan in maamaulka haatani ku talogalay arrimo badan oo laga yaabo inay ogaadaan wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.

Haddaan ka bilowno doorashootinka Golaha deegaanka iyo ururada siyaasadda, xisbiyada qaranka, Golaha Wakiillada iyo qaabka maamul ee mustaqbalka dalku yeelan doono, ayaan  tusaale u soo qaadanaynaa sida xisbulxaakimkii Kulmiye iyo siyaasiyiintii iyo hoggaankii ururkaba loo kala daadiyey, isla markaana xisbigii iyo dawladda maantu ku kala tegeen  maamulka siyaasadda dalka. haldoorkii Kulmiyana qaarkood loogu xidhay cidlada, kuwa kalena lagu magacdilay xilal loo magacaabay oo haddana laga xayuubiyey. waxa ku xiga sida xisbiga UCID u kala jabay , una kala noqday laba xisbi siyaasiyiintiisii iyo hogaankiisii ku kala tegeen, sidoo kale ayaan la soconnaa UDUB  oo lagu soo dhex tuuray khilaaf meel uu ka yimi aan la ogeyn ilaa maantana in kastoo guddoomiyihisii joogo la isku keeni kari laayahay, sidaa ayaana loogu talogalay inaysan mar daambe ka soo shaacbixin golayaasha siyaasadda. waxa ku xiga  Golaha wakiillada ee la soo doortay oo ay xukuumadda Siilaanyo maalinba ninkii ugu hadalka  badnaa ,ama ugu aqoonta badnaa laga dhex ugaadhsanayo ilaa la gaadhay guddoomiye ku xigeenkii oo xil wasaaradeed loo magacaabay, iyadoo ay ka sii horreeyeen wasiirro kale  kuwa kalena ka dambayan doonaan, looguna talogalay in golahaasi la mid noqdo  golihii shacabka ee xukuumaddii Siyaad Barre. Aqlabiyadda xubnaha golahaasina noqdaan kuwa meel ugu xidhan xukuumadda iyo madaxweynaheeda  sida maanta u yahayna cid kastaa garan karto.

Marka laga yimaaddo baabi’inta xisbiyada qaranka  ee aan imikaba ka muuqan siyaasadda dalka ayaa waxa ka horreeya waxa laga yeelayo ururada siyaasadda ee haatan kala saaristooda iyo taageeradooda ay ku mashquulsanyihiin guddiga diiwaangelinta ururada siyaasaddu. kuwaasoo maraya degmadii ama gobolkii ugu dambeeyay ee ururadu kus oo bandhigayeen  buuxinta shuruudaha ku xidhan  jirintaankooda .

Sida taariikhdu inna bartay, waxa doorashooyinkii hore ee golaha deegaanka lagu reebay ururro siyaasadeed oo u muuqday inay haysteen taageerada badi shacbiga gobolada dalka ,isla markaana sababaha loogu reebay ay ahayd inaysan xidhiidh wanaagsan la lahayn dawladdii waagaasi, kuwaasoo aan ka xusuusan karo  Ururadii  ASAD.  SAHAN  iyo kuwa kaleba, iyadoo hogaankii waagaa ee dalku  ururadaasi ka dhex arkayey  siyaasiyiin miisaan ku leh  shacbiga qiilqiilna gelin karayey xisbulxaakimkii hore.

Markaad u dhabbo gasho dareenada  kala duwan  ee ururadu ku hawlgeleyaan  wakhtigan ,isla markaana la qiimeeyo  kalsoonida iyo kalsoonidarada  ururadaasi ka qabaan ka qayabgalkooda doorashooyinka Golayaasha deegaanka ayaa waxa ka soo baxay hadallo badan, xan badan iyo   shaki badan oo ururadaasi iyo dawladda laga yaabo inay kala dhex dhigaan muran siyaasadeed iyo kuwa qabyaaladeed , kaasoo khatar gelin kara geeddi socdka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka lagu hindisayo mustaqbalka dhaw…..la soco

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.