Maxamed Xaashi Oo Talooyin Ka Soo Jeediyay Muranka Wershadda Sibidhka, Haamaha Shidaalka Iyo Gobolada Bariga Somaliland

“Kuwa debada ka dhistay daaraha waa laga daba tegi oo ilaahay cid ayuunbuu u bixin”

0
38
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, March 20, 2012 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa munaasibadii uu ku wareejinayey xilka wasaaradda Maaliyadda oo dhawaan Madaxweyne Siillaanyo ka qaaday, talooyin wax ku ool ah ugu jeediyay wasiirka cusub ee xilka kala wareegay Cabdi-Casiis Maxamed Samaale, isla markaana ka hadlay muranka Wershadda Sibidhka Berbera.

Sidoo kale, wasiirka cusub ee Maaliyadda ayaa isaguna dhaar ku maray inaanu hantida qaranka meel khalad ah ku bixin doonin inta uu xilkan hayo.

Hase yeeshee wasiirkii hore ee Maaliyadda, Eng. Maxamed Xaashi oo hadal dheer ka jeediyay munaasibadda xilka lagula kala wareegayay ayaa is-barbar dhig ku sameeyay markii xilkan wasaaradda Maaliyadda uu la wareegay ku dhawaad laba sannadood ka hor iyo wakhtigan uu hadda wareejinayo, isagoo xusay in markii uu la wareegay xilkan uu deyn aad u farabadan kula wareegay xilka, maanta uu xilka ku wareejinayo iyadoo khasnadda dawladda ay ku jirto lacag gaadhaysa dhawr iyo toban milyan oo dollar, isla markaana aan wax deyn ah lagu lahayn.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi: “Markii aan xilka la wareegay waxaan la kulmay xaalad adag, taas oo ahayd in dawladu ay qarka u saarnayd inay burburto sababtoo ah waxay ahayd dawlad lacag badan lagu leeyahay isla markaana ay lacag badani ku maqan tahay.

Waxa jiray in markii laygu wareejinayey xilka in lay sheegay dayn badan waxaana la ogaa inaan anigu diiday oo aan soo jeediyey in gudi loo saaro, gudidii loo saaray oo ka koobnayd saddex gudi oo ka kala socotay hay’adddaha kala duwan ee dawladda, waxayna baadhitaankoodii ku soo saareen lacag dhan saddex iyo konton malyuun, taas oo ku tusaysa inaan wax dayn ahi jiri karin, markaas wixii daynta lagu sheegayey waxay noqotay lacag la lunsaday.

Waxa kale oo jiray lacago laga tagay oo dayn ahaa kuwaas oo dhab ahaa iyada oo aan shaqaalaha muddo afar bilood ah la siinin wax mushahar ah, ciidamaduna ay laba bilood lahaayeen, raashinkii cusbitaalada, jeelasha iyo ciidamaduna ay is gaadheen markaa lacagta halkaa ku luntay waxay gaadhaysay toddobaatan malyuun iyo wax la jira, waana lacag aad u badan taas oo ah lacagtii wax loogu qaban lahaa dalkan.

Markaa dawlada xilka la wareegtay ee aan ka midka ahaa waxay qaadatay inaan is qabqabsi iman dabadeedna waxa la yidhi bal aynu arintaas iska laalno oo haynaga hadho, siyaasad xun may ahayn laakiin ta meesha taalaa waxa weeye in ummaddu wali ay lacagtii leedahay oo lacag ummadda ka maqan cidina ma saamixi karto, markaa waa lacag la lunsaday.

Dhibaatooyinkaa dhaqaale ee jiray waxaanu kaga dabaalanay inaanu aad u shaqayno iyada oo shaqaalaha wasaaradu ay xil dheeraada iska saareen.

Miisaaniyadii 45 milyan ahaan jirtay waxaanu gaadhsiinay 83 milyan waxaana kordhay 75.5%, miisaaniyada sanadkana waxa noo qoran in la gaadho 106 milyan, iyada oo ay ka maqan yihiin wixii hantu dawladu leedahay sida guryaha dawlada iyo baabuurta, waxaanu ka gaadhsiin waynay diiwaan gelintoodii dabadeed miisaaniyadda waxaanu ku soo ururinay dakhligii iyo kharashaadkii.

Marka aynu taa ka gudubno waxa kale oo aanu kordhinay lacagihii kabka ahaa ee aanu siino dawladaha hoose, hay’adda waddooyinka iyo lacagta goboladda bariga ee ahayd 2% taas oo mid waliba kordhay 53%.

Waxa kale oo jira kharashyo aan miisaaniyadda galin kuwaas oo ay ka mid yihiin lacago laga qaaday wadanka koonfur Afrika oo ahayd shan boqol oo kun iyo dakhliyo kale.

Wax qabadkii 19-kii bilood ee aanu xilka haynay waxa ugu muhiimsanaa marka aad ka soo qaado waxbarashada waxaanu dugsiyadii hoose dhexe ee dawlada ka dhaafnay fee-gii. Waxaanu qornay laba kun oo macalin oo aanu ku darnay shaqaalaha dawladda.

Waxa kale oo aanu qornay 2950 macalin oo aanu ku darnay macalimiinta mushaharooyinka qaata.

Caafimaadka oo ahaa shay dadka aad u dhiba oo hadana waxa uu ku kacayaa marka loo eego lacagta la lunsaday ay wax aad u yar ahayd, sariirihii yaalay ee ingiriisku ka tagay 1952 ee kolba meel laga laxaamadi jiray waanu ka bedelnay cusbitaalka waxaanay ku kacday boqol iyo shan kun oo dollar

Waxa kale oo aanu kicinay qalabka kelyaha taas oo nagu kacday shan iyo afartan kun oo doolar imikana waa la bilaabi doonaa.

Had iyo jeer dadkeenu caafimaadka debada ayey u doontaan waxaan weydiiyey qoladan caafimaadka iyo wasiirkaba maxay ina kalifaysaa inaynu dhakhtarada soo ijaarano, maxay ina kalifaysaa qalabka loo baahan yahay intuu noqonayo, waxay ii keeneen in dhakhtarada khabiirada ahi u baahan yihiin ama ay ku baxayso 400,000 sanadkii, qalabkuna noqonayo $10,280 oo dabadeed dhakhtaradu ku shaqaynayaan, taas oo lagaga maarmayo caafimaadkii aynu u tagaynay debada lacagtaasina waxay ku soo noqonaysaa mudo laba sano ah, tani waxay ina tusaysaa inaynu wax badan qabsan karno, waa marka aynu daacada nahay ee daaraha aynu debada ka dhisanayno aynaan ka fuudh-yeelayn, balse aynu ka fuudh yeelayno waxyaalaha dadku u baahan yihiin.

Qofku ma qurux badnaado hadii uu madax yahay iyada oo ummadiisu dayacan tahay magacna ma yeesho milgana ma yeesho.

Kuwa debada ka dhistay daaraha dadka la jaarka ahi markay arkaan waxay odhanayaan dadka waxan dhistay miyaanay dadkoodu ahayn kuwa sawiradooda laga daawado warbaahinta ee baahan, ee bilaa cunada ah ee bilaa shaqada ah, kolnaba si hagaagsan uguma dhex noolaan karaan meelahaa ay daaraha ka dhistaan halkana way ka kibreen oo waa kuwii xoolahooda kala tagay.

Imikana waxa soo baxday in dadka laga daba tagayo, waa taacalisamatarba la daba taagan yahay kuwii xoolaha ummadda dhacayna waa laga daba tegi oo ilaahay cid ayuunbuu u bixin.

Burco waxaanu sanad kaliya kaga bedelnay lacagtii giimbaarta ahayd ee ay isticmaalayeen, 100% waxaanu kordhinay mushaharka shaqaalaha waana kuwii afarta bilood bilaa mushaharka ahaa maantana bil walba way qaataan.

Intaas waxa noo dheeraa dayn fara badan oo aanu bixinaynay halkii aanu ummadda wax ugu qaban lahayn.

Baanku waxa uu hayaa wixii lacag wasaarada lagu lahaa liiskana waa la hayaa, waxaana taala lacag la soo daabacay iyada oo baanka uu qof waliba wixiisa ka qaadanayo, sidaas daraadeed wax deyn ah oo aanu kaga tegayno wasiirka cusub ma jirto.

Marka laysu geeyo deymaha aanu bixinay waxay noqonaysaa labaatan malyuun iyo badh doolar.

Lacagta aanu maanta hayno ee kaashka ahi waxay ku dhawdahay afar iyo toban malyuun oo doolar marka laysku wada geeyo” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Sidoo kale wasiirkii hore ee wasaarada maaliyadu waxa uu ka hadlay wershada sibidhka ee Berbera, haamaha shidaalka iyo gobolada bari ee Somaliland, waxaanu yidhi: “Hadii aan ka hadlo wershada sibidhka ee Berbera, waxaynu u baahanahay marka hore inaynu samayno xeerkii Kheyraadka Qaranka (National Resource Act) taas oo ka hadasha wixii khayraadda, sida dahabka iyo sibidhka iyo khayraadka kale ee dalka, oo dabadeed inta ummaddu yeelanayso iyo inta shariikadaha la siinayaa ay qeexnaato, anigu waxaan ka mid ahaa gudidii loo saaray wershada sibidhka, taladayduna waxay ahayd inay dawladu gacanta ku hayso, laakiin sheer yar hala iibiyo oo wadamada caalamka iyo dalka oo dhanba cidii iibsanaysa halaga qaado lacagta, marka aynu dhaafno heerkii ay wershadu ku dhismaysayna yeynaan joojine aynu wadno oo shariikado kale aynu ka samayno si dadku shaqo u helo wadankuna uu u noqdo mid wershado leh.

Horta waxa jira laba shay oo kala duwan hadii aan samaysto wershad sharaabka samaysa iyo mid samaysa saabuunta, waa wax aan anigu leeyahay, laakiin buur meel ku taala oo ilaahay siiyey dadka marka la qodo waa wax dadka ka dhaxeeya oo qofna yeelan karin, laakiin intii ka shaqaysanaysaa wuxuun ay ka kasban, ummaddanu wax bay ka faa’iidi.

Haamaha shidaalka waa in marka hore la qiimeeyo dhaawaca gaadhay iyaga dabadeedna marka aynu hagaajino, kadib qandaraas lagu kala helo, cidda aynu siinaynona u helno meel aynu kala bilawno.

Goboladda barina waxaan leeyahay safar loo soc-socdaa waxba tari maayee waa in dadkan wax loo qabtaa oo dadku arkaan in wax loo qabanayo”

Waxa kale oo uu Eng. Maxamed Xaashi kula dardaarmay wasiirka xilka kala wareegay labaataneeyo ka mid ah naafadii Mujaahidiintii SNM, kuwaas oo uu sheegay inay u qorshaysnayd inay u sameeyaan mushahar, isagoo dhinaca kalena si gaar ah u tilmaamay laba nin oo Curyaamiin ah oo uu sheegay inay u qorsheeyeen inay u iibiyaan gaadiidka yaryar ee loo yaqaan Bajaajka, si ay ugu shaqaystaan, isla markaana ay waxoogay yar bishii iska soo celiyaan.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu kale oo uu hoosta ka xariiqay inay Jaamacadda ka bixiyaan soddomeeyo arday oo ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco, kuwaas oo uu sheegay inay dhawaan dhammaysan doonaan oo ay qaadan doonaan digriigii. “Kuwaas maalinta ay qaataan digriigooga way Midgaan bixi doonaan, oo waxay guursan doonaan hablaheena, haddii Master-ka qaataan cidiba gaadhi mayso,” ayuu yidhi wasiirkii hore ee Maaliyaddu,

Gebagebadii wasiirkii hore ee wasaarada maaliyaddu waxa uu talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey wasiirka cusub ee wasaarada maaliyadda isaga oo kula dardaarmay inuu ilaaliyo hantida ummadda, inuu daryeelo shaqaalaha iyo ciidamada qaranka, isagoo dhinaca kalena shacbiga kula dardaarmay inay cashuurta bixiyaan si wax loogu qabto.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.