WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, August 07, 2016, (Saxafi) – Wafti ka socda Golaha wasiiradda iyo xubno ka tirsan salaadiinta gobolka Awdal ayaa doraad ilaa habeen hore foodda isku daray kulan albaabadu u xidhnaayeen oo xasaasi ah.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Awdal Maxamed Cumar Sheekh, Wafdigan oo u hor kacayey wasiirka waxbarashada dalka Cabdillaahi Dheere oo ay wehelinayeen wasiirka xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud, wasiirka Ciyaaraha Cabdillaahi Qulujeed iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa ilo ku dhaw-dhaw sheegeen inuu ku saabsanaa sidii doorasho uga dhici lahayd lix goobood oo ku teedsan Bariga Lughaya kuwaasoo intii Somaliland jirtayba anay doorashooyin ka dhcin, markii looga shakiyey xaalad amaan darro.

In kastoo aanay xubnaha wafdigaasi iyo oday dhaqameedyada gobolka ka soo bixin wax hadal oo ku saabsan natiijada wada hadaladooda, hase yeeshee doodda ka taagan natiijada wada hadaladaasi ayaa la sheegayaa inay labada dhinac aad ugu kala fogaayeen sidii loo meel marin lahaa go’aan wada-jir ah oo ku saabsan mustaqbalka goobahaasi. Wafdiga xukuumadda ayaa wararka qaarkood sheegayaan inay odayaasha u sheegeen in socdaalkoodu yahay uun xog-waraysi, balse aanay wax farriin ah ka sidin dawladda ay ka tirsan-yihiin, taasina ay keentay inay odayaashu dib u liqaan farriin adag oo deg-deg ay si wadajir ah ugu gudbin lahaayeen xubnaha wasiirada ah, aakhirataankiina waxaa uu kulankaasi qaatay wakhti saacado ah.

SomlegalAds

In kastoon isku daynay inaan labada dhinacba wax ka weydiino natiijada kulankaasi, hase yeeshee midkoodna si cad uma sheegin, waxayna natiijadoodu u muuqatay kuwa ku dhamaaday xaalad aan col iyo nabad midna ahayn, iyo ballanqaad ah inay sii wadaan wada-hadalada. Wafdiga xukuumadda ayaa la filayaa inay jawaabta odayaasha ku celin doonaan xukuumadda sare.

Kulanka salaadiintan iyo wafdiga xukuumadda ayaa ku soo beegmay wakhti xiisado siyaasadceed oo ku saabsan saami qaybsiga golaha wakiillada iyo kuwa ka dhashay lixda goobood ee ka xidhan doorashooyinku hadheeyeen Gobolka Awdal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.