WorldRemitAds

Tukaraq, Somaliland, December, 26, 2016 (Saxafi) – Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose  ee maamul goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa shalay  deegaanka Tukaraq  oo hilaadii 52 km dhinaca bari kaga aadan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka furay mashruuca maamulkaasi ugu magac daray wax ka qabashada  abaaraha.

 Shan kun oo qoys ayaa loogu talagalay mashruucan in ay ka faa’idaystaan kaasi oo ay ku deeqday hay’ada cunada aduunka ee WFP(United Nations  World Food Programme ) kaasi oo guud ahaan shalay laga bilaabay deegaanka Tukaraq ee Somaliland, furitaanka mashruuca ayaa  waxaa goob joog ahaa maamulka dhanka  Puntland gobolka Sool oo ay Tukaraqi u tahay xarun.

20161226636183458840585130was1Wasiirka ayaa hadalo kooban ka jeediyay madasha uu ku daah furay mashruucakan isaga oo sheegay in ku dhawaad lix kun oo qoys ay hay’adu ugu talo gashayshay deegaanadaas oo ay Puntland Sheegato.

SomlegalAds

”Sool waxaan siinay gaar ahaan ku dhawaad 5000 kun oo qoys markaa dadaal badan ayay dowladu samaysay saan oga qayb qaadan lahayn abaaraha waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Hay’adda’WFP iyo Masuuliyiinteeda” sidaasi waxaa yidhi wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose Axmed Cilmi Cismaan.

Waxaa halkaas siwayn ugu maahad celiyay odoyaasha Tukaraq waxaana ay aad u bogaadiyeen Wasiirka iyo haayada WFP iyo Ururka Ugaad Daahfurka ay u garteen in lagu qabto Tukaraq, kuwaas oo sheegay in abaaraha ka jira gobolka Sool ay saamayn balaadhan ku yeesheen dadka iyo duunyada deegankana  ay ku soo xaroodeen dad xoolihii ay dhaafeen.

Ugu danbeyntii, xaalada abaarta ee ka kajirta guud ahaan Somaliland ayaa si xoogan u saamaysay gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle taas oo sababtay in dad badan ka fara madhanyihiin Xoolihii ay dhaqan jireen, waxaana xusid mudan in ku dhawaad shan gobol xoolo dhaqto ka soo jeeda gobolada ku hareeraysan gobolka Sool ay u soo naq raaceen deegaanadan ayna abaarta ku hayso haatan duleedka magaalada Boocame.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.