WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 27, 2016 (Saxafi) – Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa taakulo lacageed oo ay ugu talogaleen inay qayb ka noqoto gurmadka abaaraha ku wareejiyey Guddida Abaaraha heer Qaran ee Somaliland.

Lacag qadarkeedu dhan yahay $10,009(toban Kun iyo sagaal dollar) oo Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ka ballanqaaday shirweynihiisii dhawaan ku qabsoomay bixinteeda, ayaa xubno masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo hoggaanka garabku ku wareejiyey Guddiga Abaaraha ee heer Qaran maanta.

SomlegalAds

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya ballaqaadkii ka soo baxay shirweynahoodii Hargeysa ay wareejinayaan guddiga abaaraha, waxaannu yidhi, “Annaga oo ah Garabkii Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee heer qaran waxa annaga oo maanka ku hayna xaaladda abaareed ee dalka ka taagan shirweynihii heer Qaran ee aannu dhawaan qabsannay kaga baaqnay inaanu gacan ka gaysan doono gurmadka abaaraha oo aannu bixin doono lacag dhan toban kun oo dollar, wixii taagtayada ahaydna waanu dadaalnay.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo kulanka kala wareejinta lacagtaasi ka qaybgalay, ayaa shaaca ka qaaday in taakulaynta iyo u gurmashada abaartu ka mid tahay qorsheyaasha muhiimka ah ee xisbiga KULMIYE, waxaannu tilmaamay inay waajib tahay ka qaybqaadashada xaaladda haatan lagu jiro.

Guddoomiye-kux-xigeenka Guddida Abaaraha heer Qaran Sheekh Xasan Cabdisalaan oo isagu taakuladaas guddoomay, ayaa u mahadceliyey tabaruca Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ku wareejiyeen guddida iyo sida lexejelada leh ee ay umaddooda ugu damqanayaan, waxaannu ku ammaanay isku-xidhnaanta iyo isku-duubnida ka dhex muuqata xisbal-xaakimka iyo garabkiisa dhallinyaradaba, “Waxaan leeyahay dhallinyarta KULMIYE ee heer qaran isku xidhnaanta xisbinimo ee ay leeyihiin waan ku dhiirrigelinayaa, waxaanan kula talinayaa inay isku-xidhnaantooda ku sii faafiyaan gobollada dalka oo dhan, iyagaana noo yimi, waxaannanu rajaynaynaa inay xisbiyada kalena ku dayan doonaan oo ay qaadhaanka noo keenaan,” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cabdisalaan.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa deeqda lacagta ah si rasmi ah ugu wareejiyey Guddida abaaraha, taas oo la rajaynayo inay wax ka tari doonto baahida dadka abaartu taabatay, isla markaana abuuri karto jawi cusub oo ay axsaabta kale ee mucaaridkuna kaga qayb qaadan karaan xaaladda abaarta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.