WorldRemitAds

Wiil muslim ah oo ciidamada Booliska gobolka Texas ee dalka Maraykanku xidheen ka dib markii ay macalimiinta iskuulka uu dhiganayay ka shakiyeen Saacad uu sameeyay oo uu u keenay ayna u gudbiyeen ciidanka ayaa qoyskiisu dalbadeen in la siiyo magdhow 15 Milyan oo dollar ah, iyagoo dacwadooda u gudbiyay golaha deeggaanka magaalada Irving ee isla gobolka Texas. Waxaana qoysku ku doodayaan in lagu xadgudbay oo meel lagaga dhacay wiilkooda yar.

ahmed1Qoyska Axmed Maxamed ayaa waxa kale oo ay ku dacwiyeen in sababta keliya ee loo calaamadsaday wiilkoodu ay ahayd midabkiisa, jinsiyadiisa, asal ahaan dalka uu ka soo jeedo iyo diintiisa. Sidoo kalena, waxa kale oo qoyska Axmed Maxamed ka warbixiyeen sidii loola macaamilay oo ay ku sheegeen inay ahayd qaab aad uu fool xun oo ka fog waxaa loogu yeedho xaqdhawrka aadamaha ee reer galbeedku ku faano iyo ilaalinta caruurta. Iyagoo tilmaamay in Axmed Maxamed uu muddo 1-saac iyo 25 daqiiqadood ah uu ku xidhnaa saldhig ku dhex yaala iskuulka isagoo dhowr jeer dalbaday in loo ogolaado inuu telefoon u diran karo waliidkiis sida uu sharciga gobolkaasi uu dhigayo, iyadoo loo diiday islamarkaana ciidamada boolisku ka dhaga-adaygeen wixii sharcigu u ogolaa ilmo aan qaandhgaadhin.

Qoyskan ayaa ku dooday in ay ku noolaan kari waayeen qoys ahaan magaaladii uu ku koray wiilkoodu, islamarkaana ay u guureen dalka Qadar ka dib dhacdadii la soo daristay wiilkoodda ee lagu ciqaabay dedaalkiisa. Iyaddoo qosyku dalbaday in golaha deegaanku siiyo magdhow dhan toban Milyan oo doolar, halka ay laanta waxbarashaddana ka doonayaan mag u dhiganta shan milyan. Waxaana ay qosyku sheegeen hadii ay ka waayaan labadan laamood magdhowga inay maxkamad u gudbin doonaan arrinta.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.