WorldRemitAds

Liverpool, UK, March 24, 2018 (Saxafi) – Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa, shirkad telefoonada dalka Masar ugu wayn ee Vodafone iyo naadiga kubada cagta Ingiriiska ee Liverpool, waxa ay laba toddobaad ka hor kala saxeexdeen heshiis ku saabsan in shirkada telefoonada ee Masar, ay gool kasta oo uu dhaliyo ciyaar yahanka Maxamed Saalax u baahiso macaamiisheeda.

Sida warku sheegayo macaamiisha shirkada telefoonada Masar “Vodafone Egypt” oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa sadex iyo afartan milyan oo qof, waxay heli doonaan, muuqaalka gool kasta oo uu ciyaartooygaasi dhaliyo oo bilaash ah.

Taas oo ka dhigaysa in shirkadaaasi boqol iyo afartan milyan oo dollar ay khasaari doonto mar kasta oo uu ciyaar yahanka Maxamed Saalax gool dhaliyo, sida jariiradu ku warantay malaayiinta dollar ayaa shirkada kaga lumi doono qadarka ama daqiiqadaha muuqaalka ah ee goolka Maxamed Saalax dhaliyo ee ay macaamiisheeda u baahinayso.

SomlegalAds

Kaas oo ku kacaya boqol iyo Afartan milyan oo minit oo marka la lacageeyo laguna dhufto qiimaha halka daqiiqo dalkaa ka yahay, noqonaysa boqol iyo afartan milyan oo dollar, taas oo ka dhigaysa in shirkada Telefoonada Masar ugu balaadhan ee Vodafone Egypt ay gool kasta oo uu ciyaar yahanka Liverpool dhaliyo ay khasaarayso.

Sida laga dheehan karo heshiiska ay labo todobaad ka hor kala saxeexdeen Maareeyaha shirkada Isgaadhsiinta Masar Alexander Forman iyo madaxa Fulinta Naadiga Liverpool Billy Hogan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.