WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland August 7, 2016 (Saxafi/Sterling Energy) – Shirkadda Sahaminta Shiidaalka ee Sterling Energy ayaa mar kale loo sameeyey muddo kordhin kale, maadaama oo wakhtigii lagu heshiiyey ku ekaa sanadka 2017 balse uu ka dhacay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Shirkadda sahaminta shiidaalka ah ee Sterling Energy ayaa sanadkii 2005 xukuumadii madaxweyne Daahir Riyaale ay siisay xuquuqda sahamin iyo xog ururin ay ka samayso Block 6,7 iyo 10 ee gobolka Togdheer, islamarkaana xukuumadda Axmed Siilaanyo u kordhisay muddo laba sanadood ahayd, haseyeeshee iyadoo aan wali hawshii bilaabin ayaa wakhtiga lagu ballamay haddana dhamaaday oo billo ka hadheen wakhtigii lagula heshiiyey ee 2017.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska shirkada Sterling Energy ayey  ku sheegtay in xukuumadda Somaliland u kordhisay muddo laba sanadood ah heshiiska loo yaqaan heshiis wadaagga wax-soosaarka saamiga (Production Sharing Agreement (PSA))  oo %40 ku leedahay blog Oodweyne oo shuraako ay ku yihiin shirkada Genel Energy oo saami %50 ah leh, waxaana sidoo kale war-saxaafadeedkooda ay ku soo bandhigeen shaxda maalmaha ama mudada la-xidhiidha sahaminta ee hoos-taga heshiiska PSA ay mudadoodu  dhamaaneyso, waxana shaxdaasi u dhiganayd sidan hoose;

  • Third Period: 2 November 2018.
  • Fourth Period (optional): 2 May 2020.
  • Fifth Period (optional): 2 May 2021.
  • Sixth Period (optional): 2 May 2022.

“Waxa aanu mahadnaq u direynaa xukuumadda Jamhuriyadda Somaliland iyo shirkadda Genel Energy ogolaanshaha iyo muddo kordhin muddo laba (2 sanadood) ah ay noogu dareen heshiiska, waxa aanu rajaynaynaa inaanu bilowno hawlgalada iyo ololaha sahaminta.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxa sare ee shirkada Sterling Energy Eskil Jersing.

Shirkadda sahaminta shiidaalka ee Sterling Energy ayaa saamiag ay  ku leedahay Blog Oodweyne oo ah %40 ay kula wadaagto shirkada Genel Energy oo iyadu noqonaysa shirkada fulinta iyo gaadh-wadeen ka ah bloga Oodweyne oo saamigeedu yahay %50,isla markaana ay bixinayso kharashka hawlgaladda sahaminta.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadan ayaa dhawr jeer loo kordhiyey mudadda ay ku hawlgalayso, iyadoo mar walba uu ka dhacoi wakhtigii loogu tallogalay inay bilowdo hawlgalkaasi sahaminta shiidaalka, waxaana heshiishkani dhacayey sanadka 2017, haseyeeshee, mar labaad ayaa muddo kordhin loogu sameeyey mudadda ay bilaabayso hawlgalkaasi sahaminta shiidaalka.

Labadda shirkadood ayaa ku heshiiyey inay saami kharashka gallaya hawshaasi wada qaybsadaan, isla markaana ku midoobaan hawlaha sahaminta shidaalka baloogan Oodweyne.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.