WorldRemitAds

“Guddiga ururaddu inay noo yeedhiyaan xaq uma laha, meel ay ku taallo guddiga ururada ayaa xisbi qaran…”

“Annigu kuma lihi hadda murashax ayaan ahay, kumana odhan karo murashax ma ihi…” Guddoomiyaha UCID

  • Muxuu Faysal Is Leeyahay waa Sababta Xisbigu U Gaadhi waayay Kursiga Ugu Sareeya Dalka?

Hargeysa, Somaliland, August 7, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan guddiga diiwaan gelinta ururadda iyo axsaabta siyaasadu xaq u lahayn inay u yeedhiyaan qaabka ay u marayaan shirkoodda xisbi ahaan.

SomlegalAds

Baryahan ugu danbeeyay waxaa soo baxayay, tibaaxo muujinaya inaan go’aamaddii guddiga diiwaangalintu soo saartay soconin oo aanu wax talaabo ah u qaadin dhinacoodda guddoomiyaha Xisbiga UCID oo qayb ka ahaa khilaaf ay ka garnaqeen oo u dhexeeyay garab uu hoggaaminayay murashaxa Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen.

Haddaba, Faysal Cali Waraabe oo Waraysi Siiyay Bulshotv, ayaa waxaa su’aalaha la weydiiyay ku jirtay halka uu u marayo Xisbi ahaan Go’aankii guddiga diiwaangalinta ururaddu ay ka soo saartay khilaafkii xisbigaas ee u dhexeeyay ayaa waxaa uu yidhi “Horta ma jiro khilaaf xisbiga dhex yaalay, Xisbigu xisbi dhisan ayuu ahaa, in kasta oo lanagu celiyay urur ahaan oo la yidhi urur hadda sameysmay la tartama. Haddana Xisbiga dhismihiisa lama taaban, shirweynihiisii saddexaad wuu qabsaday, golihiisii dhexe wuu lahaa. Fullintiisii lama taaban.

Jamaal baa noo yimid, garab ayaan wataa ayuu yidhi, heshiis ayaan la galay. Heshiiskaasi inuu wado maro ayay ahayd oo shirweyne aan caadi ahayn la qabto, Tiibaan dhicin. Tiina waatan sheegtay guddigan diiwaan galintu oo waanu iska ogolaanay, in kasta oo aanu u aragno anagu in aanay axsaabta shaqo ku lahayn oo waqtigoodu ku ekaa xiligii ururadda siyaasadda, maadaama ay dacwad geeyeen (Garabka Jamaal) annaguna aanu ogolaanay. Immikana xisbigu waxaa uu leeyahay sharci. Waxaan xeerkaas xisbigu qoraynin annaga agtayada waxba kama aha,”

Waxa kale oo la weydiiyay waxaa ay illaa hada ka fulliyeen go’aamadii guddiga diiwaangalinta oo uu ka mid ahaa in muddo 45 maalmood guduhood ah lagu qabto shirweyne ay qaban qaabiyaan guddi labada dhinac ee is hayay ka imanaysa. Waxaana uu yidhi Faysal. “Guddiga uraraddu inay noo yeedhiyaan xaq uma laha, meel ay ku taallo guddiga ururada ayaa xisbi qaran u yeedhinaysa guddi qaban-qaabana ma jirto. Markaa, arrintaasi waxaa ay ku soconaysaa uun Distoorkaa xisbiga. In aanu shirweyne aan caadi ahayn qabano oo aanu heshiiskaas keenana heshiiska ayaabay ku jirtay. Laakiin, shirweynaha waxaanu u maraynaa xeerkayga.”

Waxa kale oo la su’aallay guddoomiye Faysal, sababaha keenay in Xisbigu doorashooyinkii uu galay oo dhan guuldaraysto, waxaana uu yidhi. “Maanaan guuldaraysan horta,Xisbiyadana looma sameysto inaad kursi ku heshid, waxaa loo sameeyaa oo aanu ugu talagalay inaan talada dalka kaga qaybgallo, Xisbiga UCID-na waa ka qayb oo talada mar kasta aan dhacnaba’e, waanu ku jirnaa.

Mida kale, waxaa weeye sababaha keenay, 1-Anigu ma ahayn nin can ah doorashadii hore {2003) oo waxaan ahaa nin ku cusub, aabahay ayaana la yaqaanay, waxaa la tartamayay Axmed Siilaanyo oo 1969-kii Wasiir ahaa oo soo dagaallamay uu duurka galay. Waxaan la tartamayay Madaxweyne adeegyaddii haysta. Doorashadii hore labadayaddiiba aniga iyo ninkii weynaa ee Siyaasiga ahaa ee mujaahidka ahaa waatii lanaga footeeyay. Waxaana ay ku fadhiday in dalka la wada leeyahay oo Somaliland cidii kasta ee u qalanta ay hoggaanka dalka qaban karto. Doorashadii labaadna, odaygu wuu iga weynaa wuu soo dagaalamay. Waa Yaasir Carafaadkeena Inuu mar danbe dhaco ceeb ayay inagu ahayd. Waana la sagootiyayay, maantaba cid nooga khibrad badani ama anigu aan ku soo baxo ama cid kale’e, UCID cid ka khabiirsan oo Kayuugii soo gashay ma jirto.”

Addigu ma murashax ayaad tahay ayaa la su’aalay waxaana uu kaga jawaabay. “Annigu kuma lihi hadda murashax ayaan ahay, kumana odhan karo murashax ma ihi. Laakiin, UCID ahaan waa waqtigayagii….maaha hebel waa in mabaadiida xisbigu hirgasho. Si dhakhso ah ayaanan murashaxiintayada u soo sheegi doonaa.”

Waxaa kale oo la su’aalay xaaladdaha ku gedaaman xisbiga inay su’aal galinayaan guusha uu gaadhi karro UCID, markaa Faysal ahaan qorshaha uu u hayo ee ay ku guulaysan karaan waxaa uu yahay inuu sharaxo. “Wuu noo jeexan yahay. Waxaanu doonaynaa barri iyo galbeed inaanu ka qaybgalo dadkii aan hore uga qaybgali jirin doorashooyinka in aanu ka qaybgalino…shakhsiyaadna xisbigu maaha’e, waxaanu doonaynaa in uu xisbigu noqdo mid Jeegaanta midabadeeda oo kale ay uga dhex muuqdaan dadka oo dhami oo aan reer ku suntanayn sida asxaabta qaar.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Dadka qaar ayaa aaminsan in guddoomiye Faysal dib u celiyay dacwad ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbigaas, su’aal arrintaas la xidhiidhay oo la weydiiyayna waxaa uu kaga jawaabay sidan.

“Addeer Xisbigu guddoomiye ku xigeen ma leh. Shirweyne ayaa lagu doortaa hoggaanka, Cali Guray shirweynihii nalamuu jooggin, Golaha dhexe laguma doorto guddoomiyaha, ku xigeenadda iyo xoghayaha, waxan uu Facebook ka dhex leeyahay wax meesha ku jira maaha. Caqligiinu ha shaqeeyo, guddoomiye ku xigeenkii koowaad wuu dhintay, kii labaad waanu ka saaray, kan anigaa magacaabay, cidna muu wadan, xisbigana waxba muu gashan…. Imikana markuu dacwada sheegay waa taa la yidhi waxaagu maaha Ansax.” Ayuu yidhi Faysal, waxaana uu dhaliilay markay halkaas maraysay Wariyaha Bulshotv ee Waraysanayay. Isaga oo ku dooday inuu xaq u leeyahay inuu magacaabo oo xilka ka qaado haddana Cali Guray. “Haddaanu marinay heshiiska Golaha dhexena isaga gaar umaanu marine, heshiiskii ayuu ku jiray oo aanu marinay golaha dhexe. Isaga anigaa magacaabay, anigaana ka qaadi karra xilka. Yaa golaha dhexe geeyay magaciisa?” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, wixii intaas ka danbeeyay su’aalihii la weydiiyay kama jawaabin, oo si urursan ayuu uga baxayay. Waxa ka mid ahaa su’aalaha la weydiiyay in dad badani u arkaan nin madaxa kaga duuban xisbiga UCID. Waxana uu yidhi. “Taariikhda ayaa I qori doonta”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.