WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, December 06, 2018 (Saxafi) – Safiirka cusub ee dawladda Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ganacsi xor ah uu u dhexmari lahaa ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Kenya, isagoo intaa ku daray in dalka Kenya uu yahay midka ugu muhiimsan ee ay doonayaan in xidhiidh wanaagsan ay la yeelato Soomaaliya.

Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa shalay waxaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxa uu ka mid ahaa safiirka Soomaaliya ilaa 17 danjire oo madaxweynaha Kenya uu waraaqaha aqoonsiga shalay ka guddoomay. “Runtii waxaan la kulmay safaarad wanagsan nadiif ah oo qurxoon, ma fileyn inay sidaa ahaato safaaraddy..  Cali Bagadi iyo mas’uuliyiinta kale ee gacanta ku hayay aad ayaan uga mahadcelinaya.” ayuu yidhi Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. “Cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya waa mid aan rabno inuu aad u xooggeysto, sababtoo ah markaad fiirisid xaaladda hadda dadka Soomaalida ah ee jooga Kenya dhaqaalaha ay ku heystaan, markaad fiirisid xaduudka naga dhaxeeya oo Shabaab ka ugaadhsato dadka, markaad fiirisid dhaqaalo ahaan iyo bulsho ahaanba, waxay ila tahay aragtideyda inaanu jirin waddan Kenya nooga muhiimsan haddii ay jirtana uu yaryahay.” ayuu raaciyay safiirka cusub oo la hadlay BBC-da.

SomlegalAds

Safiirka, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in siyaasada madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan dowladaha dariska ah oo ay Kenya ka mid tahay inay tahay inaysan wax shaqaaqo ah ka dhicin, ‘Kenyana kuma sii jirto waa waddan intaas oo Soomaali ah ay ku noolyihiin ganacsi badana ay ku leeyihiin” ayuu yidhi.

Waxa uu ku dhiirrigaliyay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Kenya inay dhaqaale iyo ganacsiba ku celiyaan dalka Somalia, isagoo sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii looga siin lahaa Soomaaliya dhul, si ay ganacsigooda u gadhsiiyaan.

Danjire Tarsan, ayaa sidoo kale sheegay in aragtidiisa ay tahay oo ay ka go’antahay in la dhiso safaaraddii Soomaaliya iyo dhulka ay ku leedahay magaalada Nairobi, isagoo bulshada Soomaalida ah iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka qaybqaadato dhismaha safaaradda, si loo helo safaarad iyo dhul ay leedahay Soomaaliya.

Magacaabida Tarsan ee Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa timid ka dib markii dhawaan Somaliland bilowday hawl-galo isu soo dhaweyn ah, iyaddoo shir maal-gashi ku qabatay dalkaas oo lagu soo dhaweynayo ganacsatadda. Waxaana taasi keentay in dawladda Somalia oo aan safiir ku lahayn dalkaas sanad iyo badhkii ugu danbeeyay ay halkaas u dirto safiirkan cusub.

Tarsan ayaa horw u ahaa La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu ka mid ahaa musharaxiintii isu sharaxday xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii 8-dii February sanadkii 2017-ka, waxa uu sidoo kale horw u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, xilligii ugu adkaa ee magaalada Muqdisho qeybo badan gacanta ku hayeen al-Shabaab.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.