Somaliland Iyo Xuska Maalinta Biyaha Adduunka

0
25
PropellerAds

Hargeysa, Somaliland, March 23, 2012, (Saxafi) – Munaasibad lagu xusayay maalinta Biyaha adduunka oo ku beegnayd shalay oo ay taariikhdu ahayd 22/3/212, ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaarada Macdanta iyo BiyahaSomaliland.

Munaasibadan oo ay wadda jir u qabanqaabiyeen Wasaaradda macdanta iyo ururka wadaniga ah ee SOCSA waxaa ka qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Siciid Axmed Jibriil, Maareeye ku xigeenka Cali Ibraahim Cabdi, masuuliyiin ka tirsan hay’addaha FOA, UNICEF iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Siciid Axmed Jibiriil oo halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay Shacabka ka qab-tirayaan Biyaha, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Wasaarada Macdanta iyo Biyuhu waxay u xil saran tahay Biyo soo saarka Dalka inay ka haqab-tiro Dadka Biyaha, Sanadka-na waxa weeyaan hal ku dhegu in la helo Biyo safaysan, in aan Kaydsano biyaha gaar ahaan Biyaha roobka, kuwaas ayaa aynu kaga bixi karnaa baahida Raashin la’aanta”

Sidoo kalle waxa isna halkaas ka hadlay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargeysa Cali Ibraahim Cabdi, waxaana uu yidhi  “Haddii aan ka sheekeeyo Taariikhada Biyaha, Dadkeenu sideedaba Xoolo dhaqato ayay u badnaayeen, haddii taariikhadii hore aan ka waramo meesha Roobku ka da’o ayay u guuri-jireen oo ay u Biyo doonan jireen dhaamka Biyaha, waxay Hargeysa u soo safri-jireen Wiig Dadkuna wax Biyo ah may hasan markaas, waxay Dadku ku fikireen inay samaystaan Baraagayaal, haddii aan u soo noqdo Biyaha Hargeysa barigii hore waxay ahayd Magaalo aad u yar oo aan balaadhnayn, 1970-kii wixii ka horeeyay Dad aad u tiro yar baa ku noolaa, waxa looga dhaamin jiray afar dhaam oo Magaalada ah iyo Dooxa Hargeysa, noloshu wey adkayd, ka dib 1971-kii ayaa wax dhacday in Khubro Shiine ah ay ku guulaysteen Biyaha Hargeysa afartii Ceel ee Geed-deeble, ka dib 1986-kii waxa la sameeyey Mashruucii labaad 12 Ceel oo ay Magaaladu ka cabaysay  iyo hal dhuun oo kaliya, imka waxa noo diyaar ah laba Mashruuc oo aan hir-galinayno, waxaan filaynaa in 2013 in Qof waliba Tuush ku maaydhan doono”

Magaalooyinka kalle eeSomalilandayaa sidoo kalle laga xusay maalintan, kuwaasoo ay ka midtahay Magaalada Boorama sidda uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal.

Xaflad lagu xusayey maalintan oo ay soo qabanqaabisay  shirtkadda Biyaha Boorama  ee SHABA, ayaa lagu qabtay Huteel Rays. Xafladdan oo ay ka qaybgaleen guddoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal,  Guddoomiyaha shirkadda  Biyaha Boorama Maxamed Nuur Faahiye. Maareeyaha shirkadda Cadiraxmaan Cige,  masuuliyiinta wasaaradda macdanta iyo biyaha gobolka Awdal  iyo martisharaf kale  ayaa  waxa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Awdal oo  shirkadda Biyaha Boorama  ku tilmaamay inay muujisay dedaal la xidhiidha dhinaca horumarina  iyo Ballaadhinta Biyaha, isagoo dhinaca kalena guddoomiye ku xigeenku tilmaamay sida loogu baahanyahay in laga digtoonaado biyo yari mustaqbalka soo waajahda magaalada loona hawlgalo sahaminta  biyo

kale oo magaaladu ka cabbi karto. Guddoomiyaha shirkadda Biyaha Boorama, Maxamed Nuur Faahiye  oo isna

halkaasi ka hadlay ayaa ka xogwarramay dedaalka shirkaddu samaysay, dhibaatooyinka jira iyo sida loogu baahanyahay sahan biyood oo Boorama ku talogasho, maadaama  isticmaalka biyuhu  sannad walba kor u sii kacayo, magaalada iyo dadkeeduna sii ballaadhanayaan, haatanna ay tahay wakhti  kulul xoolihii kusoo biireen cabbitaanka biyaha magaalada maadaama balliyadii iyo kaydadkii durdurradii biyaha ee dooxyaduba  aanay jirin haatan.  Guddoomiyaha shirkadda ayaa sidooa kale tilmaamay hoos udhaca biyaha Boorama  oo  u sheegay inay ku dhawaad ceelasha qaarkood hoos u dhaceen ilaa 29 mitir, halka ceelasha  qaarkoodna la xidhayba markii ay gudheen . Guddoomiyaha shirkadda ayaa sidoo kale xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga ku boorriyey in shirkadda biyaha wax laga siiyo deeqaha lagu horumarinayo biyahaSomalilandee ay ku deeqeen  hay’adaha caalamiga ahi. ,isagoo dhinaca kalena guddoomiyuhu sheegay inay wadaan ceelal kale oo riig ah,

,qaarna ay soo dhammaystireen kuna biireen nidaamka biyaha Boorama.

Maareeyaha  shirkadda Biyaha Boorama  C/raxmnaan Cige oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey isticmaalka Biyaha oo uu sheegay inay dadweynuhu si khaldan u isticmaalayaan, loona baahnaa in la yareeyo isticmaalka Biyaha. Maareeyaha ayaa sidoo kale ka xogwarramay faraqa u dhexeeya daryeelka biyaha  Boorama ee wakaaladihii hore u maamuli jiray biyaha magaalada iyo shirkadda isagoo sheegay inay waayadii hore khasaari jireen 50% in ka badan oo biyo ah kuwaasoo ka khasaarayey dadka iyo wakaaladihiiba, halka maanta ay yihiin

10%,taasoo ay doonayaan inay weliba hoos ugasii dhigaan,  Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay xubno isugu jira culimaauuddiin iyo masuulyiin kale kuwaasoo  shirkadda ku ammaanay dedaalka ay samaysay,loona baahanyahay in la raaco taalooyinka dhinaca biyaha ee ay soo jeediyeen masuulyiintoodu taasoo ah in la yareeyo  hadday tahay masaajidyada iyo guryaha dadweynuhu deggenyahayba Biyaha.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.