WorldRemitAds

Ceerigaabo, Somaliland, March 23, 2012, (Saxafi) – Taageerayaasha urur siyaasadeedka Waddani ee magaallada Ceerigaabo xarunta gobalka Sanaag ayaa si weyn ugu diyaar-garoobay hawlaha tirakoobka, Islamarkaana ka hor waqtigii qorshuhu ahaa muujiyay awoodda Ururkaasi ku leeyahay Sanaag.

Isu soo baxan taageerayaasha Waddani ayaa waxaa ay ka danbeysay sidda ay sheegayaan wararka aanu ka helay magaaladda Ceerigaabo, wafti ka socda urur siyaasadeedka Waddani oo xoogiisu ka baxay magaaladda Hargeysa oo gaadhay shalay magaaladda Ceerigaabo. Waxaana warku intaas ku daray in Weftigan si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas, iyaddoo soo dhaweynta ka sokow arrintan ay taageerayaasha ururka Waddani ku muujinayeen cudoodda.

Taageerayaashan ayaa qaarkood gaadiidka soo dhaweynta ee lagu sharaxay Astaamaha ururka iyo kuwa weftigaba  ay dhinac kasta ka qabsadeen iyagoo lulaya Caleemo iyo Astaamaha ururka. Dhinaca kalle, xaafadaha magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa si weyn u qabsadday codbaahiyayaasha gaadiidka ay wataan Xisbiyahanadda Waddani.

SomlegalAds

“Adeer aniga Macalimiintayada wax noogu dhiga Schoollada iyo ardayduba waxay taageetaan Waddni”Sidaa waxaa Wariyayaasha u sheegay wiillyar oo aanay dadiisu ka waynayn qiyaas ahaan 15 jir oo ka mid dhalinyaradii soo dhaweynta ka qaybqaadatay.

Sidaas oo ay tahay, Guddoomiyaha gobalka Sanaag ee ururka Waddani Cadiraxmaan Xiis Liqe iyo Guddoomiyaha garabka Haweenka ee ururka Waddani Marwo Intisaar Jaamac Cabdi oo hormuudka ah soo dhaweynta wafdiga Hargeysa ka tagay iyo guud ahaanba dhaq dhaqaaqa iyo xamaasadda abaalullka taageerayaasha ururka Waddani ee magaalada Ceerigaabo ayaa warku sheegay in  ay wali ku hawllanyihiin qaban qaabada iyo abaabulka tirokoobka taageerada ururrada ee guddiga diiwaan-gelintu maalinta Sabtida ah ka billaabmi doonaan magaalada Ceerigaabo.

Wafiga shalay gaadhay magaaladda Ceerigaabo ee ururka Waddani waxaa hogaaminaya Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle, waxaana ka mid ah Maayar ku xigeenka Magaalada Hargeysa Maxamed Cabdillaahi [Uurcadde]. Axmed Muumin Seed oo ah xubin sare oo ka tirsan guddida fulinta ee ururka Waddani, Duuliye sare Axmed Fag-fagaas iyo xubno kale. Kuwaasoo muujiyay inay ku qanacsan-yihiin inay magaaladda Ceerigaabo kala laaban doonaan Sabtida barri marka ay guddida diiwaan-gelintu tiro koobkooda ka dhamaystaan ururrada Siyaasadda farxad sii xoojisa tu ay sheegeen in ay ka heleen dhamaan goballadii ay tiro koobyadaasi hore uga soo qabsoomeen taasi oo uu ururka Waddani ku kalsoonyahay sidda ay ku doodayaan inay ka helayaan kaalin hogaamineed.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.